Ka Fogow Tobankan Nooc Oo Dadka Ka Mid Ah, Nooca Tobnaad Waa Midka Ugu Khtarsan :
1. Ka fogow kuwa noloshooda aan waxba xaqiijin, wax la taaban karana ku guulaysan, waxayna aad ugu fiican yihiin in ay eedeeyaan dadka wax qabsaday, iyaga oo ku daboolaya fashalkooda..
2. Ka fogow maangaabka iyo kuwa daroogada qabatimay, waxba kugu soo dhordhin maayaan aan ka ahayn khasaaro, haddana marwalba way sarqaansan yihiin..
3. Ka fogow kuwa kaa xada farxaddaada iyagana aan faraxsananayn iyo kuwa cabashada badan oo aan waxba awoodin in ay qabsadaan, haddana aan awood u lahayn in ay arkaan nicmooyinka Ilaahay ee aan xisaabta lahayn, kuwaasi naftooda heshiis lama aha, adigana kuuma oggolaanayaan in aad nabad ku noolaatid.
4. Ka fogow dadka cadowga ah, xaasidiinta ah iyo xaaqidiinta ah, hana la wadaagin sirahaaga, waayo waxay kugu sameynayaan waxyaabo ay kugu fashilin karaan.
5. Ka fogow kuwa kula sheekeysta haddana kaa sheekeeya, waayo waa dadka ugu munaaqadda badan.
6. Ka fogow haweenka tirada badan ee noloshaada, haweenay haddii aad tahayna ka fogow laboodka aad isku dul wadid, waayo wakhti badan ayaa kaaga lumaya iyo tamar badan, haween badan ama rag badan kuma gaaraysid meel sare, kaliya waxaa kaa lumaya iimaankaaga, sharaftaada iyo karaamadaada.
7. Ka fogow kuwa anaaniyiinta ah iyo kuwa narjisiyiinta ah, narjisi waxaa la yiraahdaa qofka marwaba nafsaddiisa ka sheekeeya si xad dhaaf ah, kuwaasi waxay sumaynayaan noloshaada, mar kalana awood uma yeelanayso inaad kor u kacdo.
8. Ka fogow inaad cayaarto doorka dhibanaha, inaad eedeyso xukuumadda, ama dadka ku eedeyso mashaakiladaada, middaa beddelkeeda masuul ka noqo noloshaada, dabadeed baro waxyaabo aad loogu baahan yahay suuqa si aad noloshaada isbeddel ugu sameyso .
9. Ka fogow qofka isku dayaya inuu kaa dhaadhiciyo figrad, nolosha way gaaban tahay ee qabso waxaad qabsan karto, maadaama ay nolosha gaaban tahay Rabigaaga caabud sida adiga oo arkaya, haddii aadan adiga arkaynin Isaga ayaa ku arkaya.
10. Ka fogow qof kasta oo waalidkiiisa ku caasiya, haddii aad doonaysid wanaag iyo guul adduun iyo aakhiro waalidkaaga baari u noqo, inta badan dadka noloshaan ku guulaystay waxay baari u ahaayeen waaliddiintooda
0 Comments