Aabahaha waa garabka, waa dhabarka iyo tusaalaha uu ku daydo ubadka, si kasta aan uga hadalno aabaha iyo doorkiisa muhiimka ah ee dhismaha iyo horumarinta qoyskiisa, iyo inuu u sameeyo nolol sharfoon ehelkiisa, iyo sidii ammaan ku heli lahaayeen dhammaan waxyaabahan marka la isku geeyo marnaba lama gudi karo ama la oofin karo xaqiisa.
Aabaha waa shaqsiga masuulka ka ah qoyska, waxa uuna goor walba u taagan yahay dhammaan arrimaha xibnaha qoyska, sida hooyada, carruurta iyo dadka kale ee la nool, sida darteed ayaa qoyska waxa uu ku leeyahay makaanad aad u weyn iyo meel sare uu kaga jiraa shareecada Islaamka, aabaha waxaa dusha ka saaran inuu u istaago waajibaad iyo masuuliyado maalinta qiyaamaha la weydiin doono, masuuliyadaha ayaa waxaa ka mid ah, inuu carruurtiisa u dooro xaas wanaagsan, nafaqadeeda meel saaro, middan waa sababta korriimada duriyadda wanaagsan ee toosan, intaasi waxaa sii dheer arrimaha tarbiyada carruurta iyo daryeelkooda.
Masuuliyadaha aabaha ee qoyskiisa ayaa waxaa ka mid ah :
l Hagidda iyo hanuuninta ruuxiga iyo diinta, waajibaadka aabaha ee asaasiga ah ayaa waxaa ka mid ah, barbaarinta iyo tarbiyeynta xubnaha qoyska, sida waafaqsan diinta, waxa uu ku jihaynayaa qoyska in ay raacaan qaaciddooyinka shareecada, tiirarka Islaamka, iyo ku dhiirgelinta sameynta ficilada wanaagsan, dhaacada Ilaahay SWT. Inuu ku hago waddada toosan oo saxiixa ah, isaga ka ilaalinaya in ay ka fogaadaan kana leexdaan waddada qalloocan, fasaadka ah iyo inuu uga digo waddada sharta ah.
l Ku hagidda tarbiyada wanaagsan iyo akhlaaqda suuban : waddada ugu wanaagsan ee aabaha awoodo si ugu adeegsado toosinta habdhaqanka xubnaha qoyska ayaa waxaa ah inuu aabaha noqdo tusaale wanaagsan oo lagu daydo, inuu ku dadaalo akhlaaqda Islaamiga ah ee la mahdiyey, inuu kula dhaqmo xubnaha qoyska si xikmadaysan, iyo dabacsanaan, mana ah inuu si adag ula dhaqmo, inuu ku dhiirgeliyo xubnaha qoyska Adheecidda Alle, raacaan tacaaliimta Islaamiga ah, sida in ay ku dadaalaan runta, xifdinta ammaanada, aadaabta, dhowrsanaanta iyo daacadnimada.
Wanaajinta Aabaha
Islaamka waxa uu dhiirigelinayaa in aabaha la waanjiyo, loo wanaag falo dhammaan arrimaha ku gadaaman. Daryeelka kaliya maaha inuu cunto ku siiyo iyo lacag, ee waa inaad uga mahadcelisa, oo si weyn u qaddarisaa aabahaaga, waa inaad qiime weyn siisaa dowrkiisa barbaarinta, iyo inuu kaa difaaco dhammaan waxyaabaha ku dhibaatayn kara, waana sababta nicmada ay ku nool yihiin carruurta hadda Ilaahay ka sokow, tusaale waxaa kugu filan sida ay carruurta u wanaajiyaan waalidkooda, qisadii Nebi Ibraahim CSW oo uu aabihiisa kula hadlay sida wanaagsan oo deggen oo dabacsanaantana ka buuxda marka uu dacwada ugu yeerayey aabihiisa isaga oo haddana kufrigiisa iyo madax adeeggiisa xadka dhaafay. Sidoo kale wanaajinta waalidka ayaa waxaa ka mid ah in la daryeelo saaxiibadiisa.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments