Bani aadamka caadi ahaan marka uu noloshiisa wato waxaa soo waajaha mushkilado kala duwan oo kala xajmi ah, haddana waxaa lagu kala duwan maareynta iyo xal ka gaarista mushkiladaha soo mara, xalka mushkiladda qof waliba heer ayuu ka taagan yahay, qof walibana waxa uu maraa waddooyin kala duwan ama u adeegsadaa qaabab kala duwan. Marka uu mashaakil yimaado waxaa wanaagsan in marka hore la xaddido nooca mushkiladda si waadax ah.
Qof waxaa waajib ku ah inuu hubiyo inuu fahamsan yahay mushkiladda ama dhibaatada jirta si dhamaystiran, waxaa laga yaabaa in ay jiraan calaamado muujinaya mashaakilka jira, hayeeshee waxaa muhiim ah, in la ogaado ama la gaaro sababta xaqiiqiga ah ee dhibtaada jirta keentay, halkii diiradda laga saari lahaa muuqaalka guud ee mushkiladda, middaana waxaa lagu ogaan karaa inaad jawaab u heshid su’aalahan, waxaana ka mid ah :
l Maxay tahay mushiladda xaqiiqiga ah ee jirta ?
l Muxuu yahay macluumaadka la heli karo ee mowduucan (mushkiladda) ku saabasan ?
l Wakhti intee le eg ayaa la haysataa oo lagu xaliyo mushkiladda jirta ?
l Suuragal ma tahay in dhegaha laga furaysto mushkiladdan ?
l Maxaa suuraggelin kara oo caawinini si loo helo qaab ama wadda lagu xalin karo mmushkiladada ama talaabbooyinka la qaadi karo oo lagu xalin karo mushiladda ?
Inta lagu goda jiro xallinta mushkiladda ayaa waxaa wanaagsan in la qaato wakhi nasasho lagu galo, oo lagu darso mushiladda si loo helo aragti cusub iyo in la isku dayo in mushkiladda loo helo xal munaasib ah, waxaana aad muhiim u ah in tallaabooyinka soo socda la qaado, waxaana ka mid ah :
l In la isku dayo helidda macluumaad cusub adiga oo joojinaya ka fekeradda xalinta dhibaatada si maskaxda loogu qasbo in ay nasato oo diiradda saarto xusuusta laga yaabo in ay xiriir la leedahahay dhibaatada, oo si aan ula kac ahaynna la isaga indhatiro, habkani ayaa waxa uu noqon karaa mid faa’iido u leh oo weliba lagu xusuusto macluumaad waxtar leh oo caawinaya xalinta dhibaatada.
l In gees la iska leexiyo mushkiladda wakhti kooban : middan ayaa waxaa loola dan leeyahay inuu qofka nasasho yar uu ka galo mushiladda kana fogaado, middan ayaa waxay siinaysaa qofka dareen nasasha leh, middan ayaa qofka waxay siinaysaa aragti cusub iyo awood hor leh oo uu ku waajihi karo xalka mushkiladda, weliba qaab cusub.
l In dib u habayn lagu sameeyo heykalka mushkiladda : habka isku dayga nidaaminta mushkiladda oo qaab cusub ah iyo weliba muuqaal cusub ayaa waxay keenaysaa in mushkiladdaasi loo xaliyo si fudud.
Tallaabooyinka lagu xalin karo mushkiladda :
Haddaba waxaa jira tallaabooyin lagu xalin karo haddii la raaco, waxaana ka mid ah :
n Si cad u qeex mushkiladda.
n Ogaanshaha caqabadaha imaan kara jiritaanka mushkiladaha noocan oo kale ah.
n Inuu xaddido qofka inta uu awoodo xakamaynta mushkiladda, iyo sameynta waxa uusan awoodin inuu sameeyo.
n Inuu hubiyo helidda dhammaan macluumaadka ku saabsan mushkiladda oo uu u baahan yahay qofka si xal munaasib ah u gaaro.
n Inuu diyaarsado kala doorashooyin dhowr ah oo uu mid waliba ku qiimeynayo doorashada ugu wanaagsan.
Qiimeynta Xalka
Qofka waa inuu u istaaga dabaqidda xalkii uu doortay, kaasi oo ka soo dhex xushay kala doorashooyinkii uu sameeyey, waana inuu ku dadaalaa inuu u istaago la socodka iyo qiimeynta natiijooyinka iyo waxyaabaha ka soo baxa xalka oo uu qofka doortay, iyada oo haddana daruuri tahay ogaanshaha ah in xalkan uu yahay midka ugu wanaagsan, haddana qiimeyntaada maaha inaad ku salayso mid deg deg ah, waa inaad xalka aad dooratay siisaa wakhti aad ku kala ogaanayso inuu saxan yahay khayaarka aad qaadatay.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments