Halkaan waxaa ah tallooyiin aad u qiime badan oo laga diiwaan geliyey khubaro dhanka xiriirada ah, tababarada dhanka nolosha ah, iyo qoraayo kala duwan, waxaana rajaynayaa inaad ka faa’iideysatid, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay sabab u noqoto isbeddelka aad rajaynayso..
1. Waxaa Jira Qaabab Kala Duwan Oo Wax Loo Sameeyo : waxaa laga yaabaa in aad niyad jab aad ka qaadid ilmahaaga marka ay marwalba sameynayaan wax qaldan, haddana ku celinayaan ama sameynayaan waxyaabo aan faa’iido iyo macno lahayn ama marka ay wax jebiyaan, waxaa loo baahan yahay qaab kale in aad wax u tustid adiga oo ka rajaynaya in ay tahay qaabka aad ku qancin karto in ay waxaasi dib u sameyn, ayna noqon karto qaabka ugu wanaagsan uguna saameynta leh, halkii aad ku qeylin lahayd, ama ka canaanan lahayd ama ku bahdili lahayd, waxaan habboon oo weliba ka saameyn badan in aad si aayar ah ugu sheegto ama ugu sharraxdo si kooban waxa uu sameeyey iyo inaysan habboonayn. Waxaa aad muhiim u ah in aad noqoto qof furfuran marka uu wax sameynayo. Marwalba waxaad heli kartaa qaabka ugu wanaagsan uguna saameynta badan ama waxaad heli kartaa xal hal abuur leh ama qaab waxtar leh oo aadan hore u adeegean, middan ayaa waxay keenaysaa dareen weyn oo guul iyo korriimo leh shaqsiyad ahaan iyo shaqa ahaanba.
2. Dadka Ula Dhaqan Sida Adiga Aad Doonayso In Laguula Dhaqmo : Qiyaas marka aad qofka la yeelanaysid wada hadal oo marka aad la hadlayso uu kaa dhex galayo ama hadalka uu kaa kala jarayo si isku xig xiga, marka sidee dareemaysaa ? Dareen noocee ah ayaa dareemaysaa ? Laga yaabee inaad dareento ixtiraam darro, niyadjab, xitaa mararka qaar xanaaq inaad dareento, bal hadda qiyaas inaad doorka is dhaafsataan.. Tusaaleahaan waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda hab dhaqanka dadka kale oo kula dhaqantid si naxariis leh, xushmad leh, iyo si la mid ah sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo, middan waxay na xusuusinaysaa inaan dhegeysano dadka kale, qaadarino afkaarahooda, iyo dareemayaashooda iyo in loola xiriiro qaabka is faham iyo naxariis leh. Xiriirka qofka kaala dhexeeyo waxaa lagu xoojin karaa si tognaan iyo tixgelin ka buuxdo, waxaana la abuuri karaa bulsho is qaadan karta caadhifaddoodana isku xiran tahay. Qaanuunka ugu qiimaha badan oo dahabigana ah, tahayna marwalba inaan xusuusnaano ayaa waxa uu yahay, dadka inaan u naxariisano, u tirno, xushmad iyo ixtiraamna u muujino.
3. Raac Xamaasaddaada : Raacidda waxaad danaynayso iyo xamaasaddaada ayaa waxay kuu horseedaysaa inaad nolosha ka dheregto in badan oo noqotid qof qanacsan, sida aan u arkana waxay u muuqataa in dadka badankoodu inaysan sidaa sameyn ama dareemin ama xiisaheena iyo xamaasaddeenaba aan dib u dhigano mustaqbalka. Waxaana sabab u ah waxyaabahan soo socda :
l Cabsida fashilka, waayo inaad raacdo xiisahaaga iyo xamaaddaada inayba khatar keenayso.
l Cadaadis dhanka qoyska,
l In qarasha badan uga baxo raacidda xiisaha iyo xamaasadda, halkii ay middaa ku dadaali lahaayeen waxay ka door bidayaan in ay mudnaantooda siiyaa sidii ay ku heli lahaayeen, deggenaan, xasilooni iyo ammaan.
l Iyo midda ugu dambaysa oo ah taageero la’aan.
Qof waliba duruufo ayaa ku gedaaman, qof walibana waxa uu la daala dhacayaa sidii uu ku maareyn lahaa duruufaha haysta iyo sidii uu uga gudbi lahaa, iyada oo ay middaasi jirto, weli wakhti badan kaama tagin oo aad raacdo xamaasaddaada iyo xiisahaaga, ogowna in nolosha ay gaaban tahay.
4. Ha Joojin Barashada : Nin ayaa waxa uu la hadlay saaxiib tababare nololeed ah, waxa uuna u sheegay in mararka qaar uu dareemayo inuu yahay qof nugul ama daciif ah ayna ku adag tahay inuu la qabsado waxyaabaha qaarkood oo la xiriira xeyn daabka shaqadiisa, waxa uuna ugu jawaabay, waxaan ku aqiinay sanado badan, waxaadna tahay qofka ugu wanaagsan uguna la qabsiga badan. Ninkii ayaa waxa uu yiri hadalkan ayaa waxa uu ii keenay inaan ka fekero mowduucan, waayo jumladdan ayaa waxay I bartay in aan hore u sii ambaqaado safarkayga nolosha aniga oo kalsooni iga buuxda, barashada wax cusub maalin walbana waxay kaa caawinaysaa inaad noqotid qof faduuli ah yacnii qof raba inuu ogaado oo barto waxyaabo badan, dadka la wadaagi kara wax uu xog uga baahan yahay,, ugu dambayntii ninkan ayaa waxa uu yiri waxaan isu arkay maalintaa wixii ka dambeeyey in ahay qof la jaanqaadi kara, lana qabsan kara si deg deg ah isbeddelada caalamka ka dhacaya.
5. Qaad Masuuliyadda Ficiladaada : Inaad naftaada la xisaabtantid oo qaladaadkaagana aad ka baratid waxay kaa caawini kartaa inaad kortid oo aad noqotid qof wanaagsan. Elon Musk taladan soo socoto ayuu bixiyey sannadkii 2016. si deg deg ah ayuu u qaatay masuuliyadda dayax gacmeedka SpaceX ee burburay markii la tijaabinayey oo hawada loo dirayey, dabadeed hannaanka shirkaddiisa ayuu isbeddel ku sameeyey iyo habka ay ku shaqeynaysay, si uu u hubiyo in arrintan aysan mar kale u dhicin mustaqbalka, waxa uuna yiri “noqo qof u furan qaladkaaga iyo fashalkaaga, qofna ma dhamaystirno, waxaad u baahan tahay inaad la timaado tawaaduc badan si aad u qirato qaladaadkaaga oo aad ka dhigato go’aan iyo waajibaadyo shaqsiyeed si wax wanaagsan u qabato”
6. Adiga Kuguma Saabsana Shaqsi Ahaan : Nin ayaa waxa uu yiri tani waa taladii ugu wanaagsanayd ee la I siiyey “adiga kuguma saabsana shaqsi ahaan” marka aad xaalad ku sugan tahay oo la qaato go’aan qalafsan oo ku farxad gelinaynin, dadka qaar waxay ka dhigtaan ama u fekeraan inuu yahay mid shaqsi oo shaqsi ahaan adiga kuu quseeyo, markaasi ayaa loo baahan yahay inaad naftaada xusuusisid inuusan shaqsi ahaan adiga kugu saabsanayn. Marka ma leedahay geesinimo iyo dhiiranaan oo aad naftaada ku waajahdo uguma sheegto “adiga laguuma dan laha, wax dhib ahna kuma jiro”
7. Filo Isbeddel : qof walba oo insaan ah shan sano kasta waxaa ku dhaca isbeddel, ugu yaraan qofka waa in uu fishaa isbeddel, sidoo kale waa in aan filanaa dadka nolosheena ku jira inuu ku yimaado iyagana isbeddel shan sana kasta, middaana marwalba waa inaad maanka ku haysata, isbeddel wax tar leh waa in lala yimaadaa..
8. Diiradda Saar Wadaad Xakamayn Kartid : Inaad faraha aad ka qaadid waxyaabaha aadan xakamayn karin ayaa waxay kaa caawinaysaa in badan in hoos u dhac ku yimaado welwelkaaga iyo walbahaarka kugu gedaaman. Diiradda saar waxaad qaban karto si aad u samayso farqi togan. Badanaa waxyaabaha qofka uu xakamayn karo ayaa waxaa ka mid ah farxaddiisa iyo deggenaanta maskaxdiisa.
9. Haku Deg Degin In Badan Horumarinta Naftaada : si weyn oo xad dhaaf ah ha ugu lug yeelan horukaca naftaada. Aqbal mowhibada iyo kartida aad leedahay, wakhti aad u badanna haku bixin horumarinta mawaahiib cusub si aadan u baabi’n mowhibadada aad leedahahay hadda. Midda maanta gacantaada ku jirta ayaa habboon inaad horumariso, halkii aad ka horumarin lahayd mid kaa maqan oo curin iyo horumarin kaaga baahan.
10. Waxaadan Aqoon Dhib Malaha Inaad Dhahdo “Ma Aqaan” : Kelmadda “ma aqaan” ayaa waxa ay tahay qeyb cilmiga ka mid ah, dad badan ayaa kelmaddan ka faa’iida waxyaaba badan, waana wax wanaagsan in aad qaadid tallaabadan koowaad. Mana aha inaad ku koobnaatid ma aqaan, micnaha kelmadda “ma aqaan” ayaa waxay ka bilaabanaysaa safarkaaga aqoonta iyo macrifada, halkaana waxaa kusii guda galaysaa inaad baratid wixii aadan aqoon.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments