LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee Qofka Looga Daaweeyaa Daroogada Herowiinta Marka uu Qabatimo ?



Waxaan la kulmay Drs, Nada Turkcan  oo ku takhasustay  cudrada nafta ku dhaca isla markaana aqoon dheeraad u leh daaweynta dhibanayaasha daroogada qabatima  una dhalatay  Dalka Turkiga waxaan weydiiyey su’aal in badan jawaab waafi ah oo aan ku qanci karo oo markaasi ku saabsan daroogada khatarta ah ee Heroyiinta (heroine), waxaana weydiiyey “ ma ii sharaxi kartaa sababta daroogada heroyiinta ay u tahay midda ugu khatarsan, maxayse in badan insaanka uga dhigtaa daciif ?”

Markaasi ayaa waxa ay iigu jawaabtay :  haddii heroyiinta laga qaato sanka ama xididka waxa uu gaarayaa qofka maskaxdiisa waxayna qofka siinaysaa firfircooni been ah iyo dareemo dhalanteed ah oo raaxa ah ku dhowaad saddex saacadood ka dibna waxaa meesha ka baxaysa saameynta daroogada idil ahaanteeda dabadeedna jirka waxa uu dareemaa fadhiidnimo micnaha qofka ma doonayo inuu dhaqdhaqaaq sameeyo sidaa darteedna isla waxa uu dalbanayaa dareenkii raaxada beenta ahaa waxa uuna moodayaa in haddii uusan mar kale isticmaalin uu jiranayo la’aanteeda, waxaana loo aaneeyaa daroogada heroyiinta in ay tahay daroogada ugu khatarsan ee caalamkan jirta, biology ahaan iyo nafsad ahaanba.

Haddana waxaa weydiiyey in qofka maalma yar uu isticmaalo miyuu qabatimayaa ama waxa uu u baahan maalma badan sidaana uu ku qabatimaayo ?

Markaasi ayaa waxa ay igu jawaabtay : qofka waxa uu ku qabatimayaa maalmo yar gudahooda, waxaana dhici karta in jirka uu si weyn u dalbado ka dib markii la isticmaalo dhowr jeer, jirka ayaa waxa uu si daran u dalbanayaa si aan kala joogsi lahaynin  qofka qabatimana kuma fekero waxaan ahaynin inuu helo heroyiinta, murqaha waa ay kagayaan koontaroolkoodana waa uu yaraanayaa, waxaa soo foodsaaraya labalabo, giriir joogta ah, indhaha uu ka ilmeeyo, xitaa waxaa dhici karta inuu arko waxyaaba khiyaali ah uu arko, uuna asiibo dubaab joogta ah, waxaa dhici karta inuu dhiig baxo, harraad daranna uu dareemo in badan, waxa uuna isku dayayaa inuu biya cabo mana awoodayo, waxa uuna qofka noqonayaa xasaas gaar ahaan marka uu arko iftiin ama uu maqlo codad, ma awoodayo inuu seexdo, waxaana dhici karta in calaamadahan hal mar aan la wada arkin, hayeeshee jiritaanka isbeddelada ku dhacaya jirkiisa ayaa waxa ay ka yeelaysaa qofka qabatima jirkiisa inuu u dalbado si joogta ah, waxa uuna ku dhex meeraysanayaa gudaha jirkiisa iyo naftiisa, wax kalana kuma fekerayo aan ka ahaynin inuu helo daroogada heroyiinta si kasta uu ku heli karo. Qofkii isku deya inuu ka hor istaaga daroogadan xitaa haddii uu yahay dadka qofka ugu soo dhow waxa uu u arkayaa cadowgiisa ugu daran, markaasi ka dib ayuu waxa uu dareemayaa qoomamo iyo shalayto xanuun badan.

Markaasi ayaa waxaan weydiiyey sidee qofka looga daweyn karaa qabatinka daroogadan aadka khatarta u ah ?

Waxa ay ku jawaabtay : dadka qabatima daroogadan laba ayey u kala baxaan qof si iskiis ah u qabatimay iyo qof lagu qasbay inuu isticmaalo, qofka lagu qasbo aad ayey ugu daweeyn fududahay midka si iskiisa u qabatimay, sheyga ugu muhiimsan ee muhiimka noo ah ayaa waxa ay tahay inuu qofka mudminka ah ama qabatimay inuu rabo inuu ka takhaluso, haddii qofka mudminka ah uusan lahaynin sababtan  waa ay adag tahay in wax laga qabto. Marka qofka doonaya inuu ka takhaluso qabatinkan inta lagu guda jiro daaweyntiisa waxaa dhici karta inuu ka dawoowo oo uu ka takhaluso ama uu ku fekero inuu is dilo, tijaabooyinkii aan soo maray oo ku saabsan daweynta mudminka heroyiinka  uu jiro shey markaasi qofka ka saacidaya inuu ka dawoowo in ay jiraan qoys garab taagan iyo asxaab garab istaagta, iyo dad jecel qofkaasi hayeeshee waxaa muhiim ah in dhammaan dadkan aan soo sheegnay in isku saf u istaagaan sidii uu uga gudbi lahaa masiibadan ku habsatay qofka.

Markaasi ayaan waxaan weydiiyey maxay tahay tallaabada ugu horreysa ee la qaadi karo marka la doonayo in qofka la daweeyo ?

Talaabada ugu horreysa ee la qaadayo ayaa waxa ay tahay in isbuuca ugu horreeyo la jebiyo qabatinka biology ahaan, inta arrintan lagu guda jiro aad ayuu dadka u baryayaa in loo keeno heroyiin waxa uuna ballan qaadayaa in ay tahay markii ugu dambeysay uu istimaalayo, balse waxaa muhiim ah in hadalkiisa loo jilcin oo lagu adkeyo in yar, haddii markaasi lagu qasbanaado in la siiyana daroogada lama siinayo ee waxaa la siinayaa daawo markaasi raadka ay reebayso ay la mid tahay daroogada heroyiinta kiimikal ahaan, daawadan jirkiisa ayey dhagraysaa hayeeshee ma reebayso dhibka daroogada oo kale.

Markaasi ayaa waxaan weydiiyey in qofka qabatimo daroogada heroyiinta halkii uu isticmaali lahaa daroogada maxay dhibaysaa inuu isticmaalo daawada ?

Waxay ku jawaabtay : xaaladdan markaasi bukaanka waxa uu qabatimayaa daawada qudheeda.

Haddana waxaan weydiiyey maxaa xiga waxyaabahan oo dhan marka la sameeyo ?

Waxay ku jawaabtay : qofka mudminka ah ama daroogada herooyinta qabatimay in badan ayuu dhibtoonayaa, waxaa u imaanaya wadna garaac aad u daran, waxa uuna noqonayaa kelinoole dadka kale ayuu ka kaliyoobayaa, waxa uuna dareemayaa sidii qof dhintay, marka anagana shaqadeena waxa ay tahay in qofkaasi aan nolosha dib ugu soo celino, balse khatarta sidaa kuma dhamaanayso.

Markaasi ayaa waxaan weydiiyey : maxaad ula jeeddaa arrintan ?

Waxay tiri : tijaabadeena daaweynta qofka qabatimay ama mudminka ah waxa ay khiraysaa xitaa haddii uu ka takhaluso, oo uu helo bii’ad markaasi siinaysa ama u fududeynaysa waxaa macquul ah inuu qaato darooogo kasta oo markaasi noqon karta sida heroyiinta ama nooc kale oo daawo ah, marka ugu horreysa nafsaddiisa waxa saameyn ku yeelanaysaa marka uu la kulmo mushkilad ama la soo gudboonaata wax uu ka naxo laga yaabee inuu intikaas dareemo, middaan ayaa in badan waxa ay tahay macquul, waayo wakhtiyada hore ee daaweynta bukaanka waxa uu la kulmayaa cadaadis, waxa uu cadaab moodayaa daaweynta waxa uuna u jilcayaa in mar kale dib u qaato, haddana daaweynta dib ugu soo laabto middaana in badan ayey qofka daciifinaysaa, marka sidaa darteed qoyska bukaanka halkan door weyn ayey ka ciyaaraan, haddii qoykiisa ama asxaabtiisa ama dadka jecel haddii ay dayacaan bukaanka waxa uu dib ugu laabanayaa inuu qaato herooyinta. 


Bye : Maxamed Cali Juxaa 

Post a Comment

0 Comments