LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee Looga Takhalusi Karaa Niyad Jabka ? (Qeybta 2aad)



 Saameynta ay keenayso xaaladda nayad jabka ka qof ahaan ayaa waxaa ka mid ah :

 

· Inuu qofka waayo kalsoonida naftiisa, middaana waxa ay keenaysaa inuu qof dareemo inuusan faa’iido lahaynin joogitaankiisa mujtamaca dhexdiisa.

· Hoos u dhac ku yimaada dhammaan arrimihiisa nolosha ha ahaato shaqa ahaan ama cilmi ahaan.

· Waxaa haraynaya afkaaro iyo dareemo silbi ah.

· Waxaa uu gelayaa xaalad kelinimo ah, dadka uu ka dhex baxo, middan oo marka dambe keenaysa nacayb uu u qaado mujtamaca.

· Qofka waxa uu gala xaalad kadeed ah oo aad u daran.

· Niyad jabka darrana waxa uu ku dhammaadaa haddii uusan qofka lahaynin iimaad adag inuu is dilo.

Saameynta ay keenayso mujtamac ahaan xaaladdan niyad jabka ah ayaa waxa ay tahay :

Niyad jabka haddii uu yahay mid shakhsi khuseeya waxa uu yahay mid kaliya shakhsiga uu saameynayo, fashalkiisana inuusan dhib u keenaynin isaga maahane, lagana yaabee in middan uu aaminsan yahay ay khalad tahay, waayo fashal haddii uu maanta kugu yimaado berri ayaa haddana guulaysanaysaa waa haddii aad isku dayga aad sii waddid. Qofkana sidiisaba waa asaaska mujtamaca, haddii xubnaha mujtamaca uu hagaago mujtamacana waa hagaagayaa, mujtamacana ma istaagayo haddii xubnihiisa ay dhex dabaalanayaan mowjado niyad jab ah, hayeeshee laga doonayo inuu qofka is adkeeyo dhabarkiisuna adkaado si uu hore ugu socdo. Middana ay tahay saameynta uu mujtamaca ku yeelanayo niyad jabka.

· Waxaa imaanaysa wax soo saar yari, qofka haddii niyad jabsan yahay waxa uu shaqeynayaa firfircooni la’aan iyo cagajiid joogta ah iyo rajabeel middaan oo marka dambe keenaysa inuu qofkaba shaqeyn kari waayo oo uu shaqada joojiyo.

· Waxaa la ogaaday daraasaad la sameeyey sababta ugu weyn ee uu qofka isku dilo in ay tahay marka uu la kulmo niyad jab aad u daran, arrintan mujtamaca waxa ay u keenaysaa deggenaansho la’aan, waxaana xubnaha mujtmaca ku badanaysa cabsida

· Niyad jabka waxa uu kala furfuraa isku xirnaanshaha qoysaska, mujtamacana waxa uu waayayaa tamartii hal abuurka bulshada, middaasi oo laf dhabar u ah inuu haysto dad ka mid ah dhallinyaradiisa, balse haddii niyad jab uu harreeyo nolosha insaanka gaar ahaan dallinyarada mujtmacaasi waxa uu u diyaar garoobayaa khasaaro.

 

Sidee looga takhalusi karaa xaaladdan niyad jabka ah ?

 

Allah SWT waxa uu Quraankiisa u soo dejiyey si ay dadka manhaj uga dhigtaan si ay ugu hanuunaan, addoomadiisana ku farad yeelay in ay bartaan, xifdiyaan, iyo in ay ku dhaqmaan, sidoo kale uu daawo munaasab ah u noqdo dhammaan mashaakilada dadka soo food saara, waana daawada ugu wanaagsan lagu daaweeyo mashaakilka nafta. Waana waddada ugu wanaagsan looga takhaluso turunturooyinka nolosha ee silbiga ah, Quraanku waxa uu awod u leeyahay in dadka niyad jaba uu qalbigooda xasilooni ku soo dejiyo, caaadeysiga dhegeysiga Quraanka iyo akhrintiisa waxa uu kuu dammaanad qaadayaa raaxo iyo deggenaansho naftaada ah. Waxaa cajiib ah oo lagaa doonayaa inaad ogaatid in Quraanka meelihii uu uga hadlay niyad jabka iyo rajabeelka waa meel ka muuqata Carada Alle, waxaana in badan ag yaala kelmadaha gaalnimo gaar ahaan dadka Ilaahay ka fog, waxaadse ogaataa qofka Alle marwalba u dhow marnaba ma niyad jabo mana raja beelo, mana quusto, waana arin mustaxiil ah, Alle Quraankiisa waxa uu ku yiri :

 

"وَلَا تَيْئَسُوا مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِنَّهُ لَا يَيْئَسُ مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ".

“ HA KA QUUSINAN RAJADA ILAAHAY , RAJADA ILAAHAY KAMA QUUSTO QOOM GAALA AH MAAHANE”

Suuratul Yuusuf, Aayadda 87aad..

 

Quraanka si waadax waxa uu u caddeeyey qofka niyad jaba ama rajabeela uu yahay kuwa Alle ka fog, waayo qofka muslimka ah, oo mu’minka dhabta ahi, Allihiisana ku kalsoon, haddii uu la kulmo mushkilad waxa uu hore ka magan galaa Alle SWT. Isaga ayaana awood u leh inuu fududeeyo haddii uu culays jiro, sidaa darteed walaakyga qaaliga, ama walaashayda sharafta badan haddii aad naftaada caado uga dhigto inaad akhrisatid Quraanka marka aad seexanayso, waxay middan kaa yeelaysaa inuu qalbigaaga dego naftaadana xasisho, waxaana meesha ka baxaya dareemaha silbiga ah ee kuu keenaya niyad jabka ama rajabeelka.

 

Inaad dhakhtar nafsi u tagtid ceeb maaha

 

Waxaa waayadan dambe aad u soo shaac baxay fikradda ah in loo tago dhakhtar nafsadda marka uu qofka soo foodsaarto xaalad niyad jab ah oo aad u daran, dadka qaar waxa ay iska dhaadhiciyaan marka uu qofka aado xarumaha ay joogaan dhakhaatiirta nafsadda ay yihiin goobo ay tagaan dadka waalan ama qofkaba uu waalan yahay. Balse fikradda noocan ah waa mid aan sal iyo raad toona lahaynin, waa wax ay rumaysan yihiin dadka wacyigoodu hooseeyo, aad ayey muhiim u tahay qofka marka uu la dhibtoonaya xaalad nafsi aad u daran inuu u tago dhakhtar nafsi ah, haddii xaaladda niyad jabka ahi ay xadkeeda dhaafto qofka waxaa wanaagsan inuu u tago dhakhtar nafsi ah, si uu xal ugu soo helo mushkiladdiisa niyad jabka ah, hana ka meeraysan in aad xaaladdaada niyad jabka adiga iska daaweyso ama dhakhtar la kaashatid.

 

 

 

Post a Comment

0 Comments