LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee Looga Takhalusi Karaa Niyad Jabka ? (Qeybta 1aad)



 

Niyad jabka waa mushkiladaha ugu adag ee uu qofka insaanka waajaha, sababbta oo ah waa dareen qofka waayayo rajooyinkiisa ah inuu xaqiijiyo waxa uu rabo, dareenkan qofka waxa uu u horseedayaa inuu wax walba waayo oo ay ka mid tahay dhadhanka ay noloshu leedahay, culays iyo cadaadis nafsadna horseedaysa. Haddii xaaladdan la isku dayin in la daweeyo arrinta waa ay sii weynaanaysaa in ka badan intii ay hore u ahayd. Shakina kuma jiro in ay arrintan ay keenayso in qofka howl ama shaqa uu ku jiray uu ku fashilmo xaqiijintiisa amaba ay u keenaan waxyaaba kale ee qofka noloshiisa ah, waxaadna ogaataa in xaaladdan niyad jabka ay ahaanayso wakhti cayiman dabadeedna ay meesha ka baxayso. Waxaa dabiici ah in qofka noloshiisa iyo howlahiisa iyo shaqooyinkiisa ay horseedayso xaaladaha noocan oo kale, anagana inta badan waxaan jecel nahay in wax walba ay ku socdaan sida anaga aan jecel nahay, balse waa in xisaabta lagu darsadaa in aad la kulmayso inta aad howlahaaga ku jirto dareemo kala duwan oo ay ka mid yihiin, caro, niyad jab, kurbo, kadeed iyo kuwa kale, marna aad la kulmayso wax ku farxad geliya, waxyaaba indhahaaga ku qabowsadaan, raja wanaagsan iyo niyad aad u sarreysa. Balse haddii ay daba dheeraato xaaladda niyad jabka ah waxaa markaasi loo baahan yahay in loo daweeyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

 

 Haddaba maxaa keeni kara xaaladahan ?

 

 Haddaba qofka waxaa u keeni kara xaaladdan niyad jabka ah sababo dhowr ah waxaana ka mid ah :

 

· Qofka dacfi kaga yimaada dhanka diintiisa, qofka marka ay ku timaado xaaladdan ayaa waxa uu moodayaa in ay tahay dhammaadka noloshiisa, midda kale qofka insaanka ah marka uu Alle uu u nimceeyo waxa uu inta badan ilaawaa inuu ku mahdiyo nicmada, marka xoogaa dhib yar la taabsiiyana waxa uu ilaawaa nicmadii hore loogu nicmeeyey umana adkaysan karo dhib yar oo isaga gacantiisa ku kasbaday. Alle waxa uu Quraankiisa ku yiri :

 

وَإِنَّا إِذَا أَذَقْنَا الْإِنسَانَ مِنَّا رَحْمَةً فَرِحَ بِهَا ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَإِنَّ الْإِنسَانَ كَفُورٌ

“ GOORTA AAN DADKA DHADHANSIINO NAXARIISTEENA WAA KU FARXAA, HADDII XUMAAN ASIIBTANA OO ISAGA GACMAHIISA KU KASBADAY INSAANKU WAA DAFIRAA NICMADA

Suuratul shuraa, aayadda 48aad

·  Fashal ku yimaada shaqo, waxbarasho ama guur.

· Inuu qofka xal u waayo mushkilad soo foodsaartay oo markaasi la qabsan waayo dhammaan duruufaha soo waajahay dartood.

· Keli ahaansho qofka marka dambe ku qasbaysa inuu ku noolaado wareegga niyad jabka.

· Ciriiri maaliyadeed ama xaaladda maaddiga ah ee qofka ku sugan yahay, waana mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn uu qofka ku geli karo marxaladda niyad jabka.

· Mashaakil dhanka qoyskaaga kaa qabsada oo marka dambana dhaliya qoys burbur markaana xubnaha qoyska uu soo foodsaaro xaalad niyad jab iyo rajabeel.

· Xaaladda guud ee mujtamaca, marwalba oo xaaladda mujtamaca ahaynin mid deggen waxay dib ugu soo laabanaysaa qofka xaaladdiisana waxa ay ka dhigaysa mid aan deggenayn.

 

Niyad Jabka Dumarka

 

Dumarka niyad jabka ama rajabeelka waxa uu hayaa muddo dheer, inta badan xaaladdan ayaa dumarka waa ay ku dheeraataa gaar ahaan marka ay dhaafaan 40 sano,  maaha xaalad lagu tiriyo jirro waa xaalad da’ ahaan ku tacaluqda oo ay wadaagaaan inta badan dumarka, arrintan ayaa waxa ay ugu wacan tahay marka ay ka istaagto caadada oo joojiyaan dhalmada, labadan xaaladood dumarka waxa ay u keenaan niyad jab, waxaana aad u wanaagsan in ay si qoto dheer ay fahmaan xaaladdan waayo waa mid ay wada maraan guud ahaan dumarka oo dhan, waxaana aad u wanaagsan in ay aqbalaan xaaladda noocan oo kale ah waana mid ka mid ah sababaha ugu weyn oo ay uga takhalusi karaan niyad jabka. Dumarka qaarkood ma aqbalaan xaaladda noocan ah oo keenaysa da’da, sidoo kale waxa ayna u saameynaysaa si silbi ahaan, sidoo kale arrimaha keena niyad jabka gaar ahaan dumarka ayaa waxaa ka mid ah, da’da saygooda middan oo ka yeelaysa dumarka qaarkood riya argagax leh oo marwalba ceyrsata meel walba oo ay aadaan.

 

Sababaha keena xaaladdan niyad jabka ee dumarka ayaa waxaa ka mid ah :

 

· Guurka deg deg ee gabdhaha loo guuriyo iyaga oo da’yar, arrintan waxa ay ka yeelaysaa in inanta laga hor istaagay nolosheeda carruurnimo in ay dhamaysato, halkaasina waxaa ka soo muuqnaya calaamada niyad jabka, gaar ahaan marka la guursado ama marka ay ilmo dhasho iyada oo yar noloshana aad ugu adkaata.

· Waxaa ka mid ma dhalaysnimada ka soo waajahda saygooda, waana sababaha ugu waaweyn ee niyad jabka, haweenaydana ka yeesha in ay ku noolaato xaalad niyad jab oo aad u baaxad weyn. Xaaladdan ma dhalaysnimada waxa ay ka imaan kartaa dhankeeda ama dhanka saygeeda.

· Sababta kale ayaa waxa ay tahay oo haweenayda u horseedaya niyad jab in saygeeda kala kulanto khiyaano, oo nolosheedana markaasi u beddelanta mid aad u adag, marka ay xaaladdan ay la kulanto ayaa waxaa si weyn u saamaynaya niyad jab baaxad weyn nolosheeda inta ka harsan tahay la noolaanayso, waxayna dareemaysaa in aysan qiime ku lahaynin saygeeda agtiisa.

· In haweenayda ay dareento dareen naaqis ah, iyo in ay iska dhaadhiciyaan in aysan nolosha nasiib ku lahaynin, shaqooyinna aysan helaynin iyaga oo loo aaneeyo in aysan shaqa helaynin naaqisnimadooda darteed. Haweenkana waxaa wanaagsan in ay ogaadaan in qiimaha ay ku leeyihiin mujtamaca uu aad u weyn yahay, kana weyn yahay qiimaha ragga waayo hawenta haddii ay dhasho waxay dhashay mujtmaca barkiisa, haddii ay barbaarisana waxay barbaarisay nuska kale.mujtamacana waxaa wanaagsan inuu u caddaalad sameeyo haweenka si aysan u dareemin ahmiyad yari, sidoo kale middaan waxa ay yareeynaysaa in aysan haweentu gelin marxalad niyad jab ah. 



Qore : Maxamed Cali Juxaa

Post a Comment

0 Comments