LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee ku xoojin kartaa kalsoonida naftaada ?



Qoraalkan gudihiisa ayaan waxaan ku ogaan doonaa sida loo kasbado kalsoonida nafta, midaan oo waajib ku ah qof kasta oo muslim ama muslimad ah inuu gaaro sidaa darteed haddii uu ku soo gaaro qoraalkan sii gudbi si ay ugu faaiideystaan dadka aad walaalaha ku tihiin caqiidada.

 

Marka ugu horreysa waxaan ku bilaabaynaa qeexidda kalsoonida nafta waxa ay tahay.

Kalsoonida nafta waa dareen shakhsiyeed oo muujinaysa qiimaha qofka naftiisu u leedahay dadka dhexdooda, kalsoonidan ayaa waxa ay tahay dhaqaaq iyo deggenaansho, qofkuna waxa uu u dhaqmayaa si dabiici ah isaga oo aan waxba ka welwelaynin, qaab dhaqankiisuna isaga ayaa xukuma, oo qof kale ma xukumo, waxayna ka soo burqataa gudihiisa, cid kalana wax uma yeeriso, haddiiba uu jiro qof wax loo yeerinayo micanaha waxa ay la mid tahay inuusan kalsooni isku qabin, middaana qofka waxa ay ka yeelaysaa inuu u dhaqmo in kormeer lagu hayo oo kale, dhaqdhaqaaqiisuna ama dhaqankiisu waxa uu noqonayaa mid aan dabiici ahaynin welwelkiisuna waxa uu ahaanayaa mid joogta ah marwalba uu kulan yeelanayo ama uu go’aan qaadanayo.

Kalsooni qabku dabcan waxa ay tahay waxyaabo aan ka helno bii’ada nagu hareeraysan oo aan ku kornay qof ku dhashaana ma jirto noocuu doono ha ahaadee, inkasta oo ay jiraan dad aaminsan isla markaana ka soo yeerta cabashooyin ka mid ah in ay arrintan kalsooni darada ah ay ku dhasheen balse middaa xaqqida ka fog.

Marka hore waxaa waajib ah inaan ogaano sababaha keena kalsooni  la’aanta nafta, ka hor inta aynaan raadin xalkeeda waa inaan ogaanaa waxa dhibka kalsooni  la’aanta nafta  keenay dabadeedna aan helno daawada munaasibka ku ah.

 

Waxaa jira sababo badan oo arrintan keenta, waxaana ka mid ah :

 

1. Baqdin  arrimaha qaar iyo mowqifyo kusoo wajaha adiga oo markaasi dareemaya in dadka hareerahaaga ah ay diiradda saarayaan dacfigaaga kuna kormeerayaan dhaqaaq kastaoo aad sameysid.

2. Cabsi iyo walwal kaaga yimaad dhaqan aan horey lagaaga baran oo caadadana khilaafsan si aysan markaasi dadka kale kuu eedeynin ama kuu yareysan.

3. Adiga oo is dareensiinaya inaad tahay qof daciif ah oo aan waxba qabsan karin dadka kale hortooda xitaa aad is dareensiinaysid inaadan waxba ahaynin ama aadan waxba soo siyaadin karin, badanaana qofka la dhibtoonaya fekerka guracan oo noocan ah oo isu arkaya inuu yahay qof xaqiir ah naftiisana sidaa ku qanciyo oo waxba qabsan waayo si dhab ah ayuuna sidaa u noqonayaa iyada oo ay tahay  middan wax aad looga xumaado.

 

Midda labaad ayaa waxa ay tahay   mushkiladda ugu khatarsan taasi oo ah mid ku burburinaysa, duminaysana tamar kasta ooh al abuur leh, sidaa darteed marka hore waa inaad joojisaa xaqiridda naftaada iyo kelmadaha qaarkood oo silbiga ah oo dhib weyn u geysan karta shakhsiyaddaada, kuwaasi oo ka mid ah : doqon baan ahay, faashil baan ahay, daciif ayaan ahay, hadalada noocan ah waxa ay khatar weyn ku tahay nafsadda burburna u geysan karta isaga oo aan qofka aanu dareemaynin ee waa inaad ogaataa in kelmadaha noocan ay ku baabi’inayaan waxna aadan qabsan karin, sidaa darteed haddii aad caadaysatay hadaladan waa inaad hadda joojisaa si aad u badbaadiso naftaada iyo isticmaalkeeda oo ka ciribtirtaa gudahaaga  waayo waa burburiye kula deris ah, waxayna naafo ka dhigaan kartidaada iyo awoodahaaga dadnimo, hana ilaawin inaad xaddido isha ay ka soo burqanayaan mushkiladahan dareenyarida leh.

 

Waxaa kale oo jiro sababo badan oo aad markaasi awood u leedahay inaad xaddiddo isha ay ka soo burqanayaan si aad u ciribtirto.

 

1. Waxaa laga yaabaa dareenka noocan ah inuu sabab u yahay fashalka waxbarashadaada ama shaqadaada adiga aad kala kulmaysid mushkiladahan dhanka waalidkaaga, ama maamulahaaga iyada oo hubanti ah dhib weyn kuu geysan karto.

2. In lagu xusuusiyo dhacdo hore oo khajilaad leh ama canaan daran oo dadka hortooda ah ama in lagu barbardhigo asaagaaga oo markaasi hoos loo dhigo awooddaada kartidaada ama mowhibadaada.

3. Ehelkaaga ama asxaabtaada oo aragti xun kaa qaata, sida adiga oo la isku kaa haleyn karin gaar ahaan amuuraha muhiimka ah ama laguu diido in lagu siiyo fursad aad ku soo bandhigto kartidaada.

 

Waxyaabaha waa waxyaabaha keeni kara   kalsooni la’aanta nafta oo aan soo koobnay ee waxaa lagama maarmaan ah in dib u eegid ku sameyso waxyaabahan aan ka soo sheekeynay waana inaad xaddiddaa waxyaabaha adiga ku khuseeya, ka dibna naftaada waa inaad runta u sheegtaa oo aad kala sheekeysataa xaqiiqooyinka jira ee naftaada, hana iska dhega tirin guuxa ka yeeraya gudahaaga kana ilaali naftaada inaad ku sasabtid waxaan jirin, haddii aadan naftaada runta u sheegin waxaad ogaataa inaad weligaa ku noolaanaysid khiyaali ama dhalanteed. Waajah arrinta oo ha ka cararin, cararka mushkilad kuuma xaliyo balse dabka shidan ayuu naafto ku siyaadinayaa, naftaada waa nafsadaada, adiga ayaa lagaa rabaa inaad xisaabiso hana ilaawin in ay tahay ammaano ilaahay kugu amaanaystay oo ha dayicin.

 

Tallaabada soo socota : ka dib markii aad xaddidday isha mushkiladda waxaad bilowdaa xalka oo waxaad isku daydaa inaad daawadeeda heshid waayo waxaan og nahay jirro kasta in ay daawa leedahay. La fariiso naftaada oo runta u sheeg oo aamin inaad tahay insaan isbeddel la imaan kara maalinba maalinta ka dameysa oo jihada biyaha ay ku socdaan beddeli kara, waa inaad joojisaa fekerka ah inaad hoos u dhigtid ama xaqirtid naftaada. Waa inaad ogaataa inaad tahay insaan waxsoo saar leh oo micna darro laguu abuurin, Alle marka uu na abuurayey micna darro nooma abuurin, waxaad tahay insaan hadaf iyo hiigsi ka leh noloshan maadaama aad tahay qof dhulkan ku nool. Allah SWT marka uu la hadlayey mu’miniinta makala soocin dadka mu’miniinta ah, muslimiintana makala gaar yeelin, waayo dhammaan basharka oo dhan waa ay siman yihiin, qof qof kale ka fadli badan ma jiro Alle ka cabsiga maahane, waxaa kugu filan inaad ogaatid inaad tahay muslim, middaan ayaa waxa ay tahay mid kugu filan inaad tahay qof ka duwan malaayiin basher oo dunidan ku nool oo dhex maquuranaya baadil, ka lumayna waddada toosan, hawadoodana raacay.

 

Tallaabada ugu horreysa ee lagaa doonayo inaad ku faantid ayaa waxa ay tahay inaad tahay qof insaan ah oo ilaahay caqli ku galadaystay oo ku toosan wixii ilaahay faray, oo aad diiday inaad raacdo waddada sheydaanka iyo gacan yarayaashiisa, kana digtoon cadowga Islaamka kaasi oo caqligiisa ka tagay oo dhabarkiisa iska mariyey.

 

Midda xigta waxa ay tahay  : waa inaad sabab u noqotaa kor u qaadida kalsoonida naftaada ku qabtid, haddiise aad dareentid dulmi ama xaqirid oo kaaga imaanaya ehelkaaga ama qaraabadaada, ama asxaabtaada, ama cid kalaba xaaladdaada waxba kama beddelayso, ee ha u jilcin kuwa noocaasi oo kale oo usoo tafaxaytay burburinta naftaada iyo kalsoonidaada, hadaladoodana maaha inaad dheg u dhigtid ama sabab u noqdo duminta kalsoonida naftaaada ee waa inaad ka takhalustaa fekerka noocaas ah oo madhalayska ah kuna beddeshaa mid ka wanaagsan, isku day inaad bedeshid kelmadaha xun kuwaasi oo ku batay maqalka dhegahaaga, naftaadana waa inaad bartaa kelemado dhiirigelin leh oo markaasi siyaadinaya awoodaada nafsadaadana hagaajinaya raaxadeedana kor u qaadaya.

 

Naftaada waa inaad ku qanacsataanaa kuna qancisaa inaad tahay insaan karti iyo awood leh, waa inaad daaha ka qaadaa awoodahaaga aad leedahay, sabata oo ah waxaad leedahay kalsooni aad u sarreysa laga bilaabo maantana waa inaad dibadda soo dhigtaa.

 

Midda saddexaad : waa qanaacadaada iyo aaminsanaantaada kaamilka ah kuwaasi oo ah inaad tahay insaan kalsooni sare leh, sababta oo ah marka aad ku dheggen tahay caqligaaga waxa uu sii dhalayaa oo uu jawaab ka bixinayaa ficiladaada, haddii aad caqligaaga ku koriso

afkaaro silbi ah   waxaad noqonaysaa qof silbi ah oo mayada marwalba hortaalo, haddii caqligaaga ku korisid afkaaro wax ku ool ah waxaad hubaal noqonaysaa qof wax tar leh, mustaqbal ifayana leh awoodna u leh dhisidda shakhsiyad sare leh oo dadka kalana kugu faanaya.

 

Naftaada waa inaad jeclaataa oo aad ka fogaataa inaad karaahsato ama inaad hoos u dhigto, ha ku fekerin waxyaabihiin guracnaa ee hore kuu soo maray ama inaad inaad dib u soo celiso waayo wixii tagay waa tagay, wax tagayna tiigsimaad malaha, marnaba ha isku dayin inaad dib u soo celiso waxwalba oo guracnaa eek u soo maraya oo ka mayro wixii ku soo maray. Isku day inaad farxad geliso naftaada oo wanaag ku kobci nafsadaada, waayo waxaa tahay insaan naajax ah oo hal door iyo karti dheeraad oo khaasi ah leh.

 

Waa inaad saamaxdaa qofkii kugu khaldama, ama si xun wax kaaga sheegay hadda ama hore, ha noqon qof xanaaq dhow ama sahlada umuuraha, u dulqaado qofka ku dhalleeceeya, qofkasta oo ku dhalleeceeya maaha qof ku neceb, haddii sidan u fekertid waxay kuu horseedaysaa dareen naaqis ah, hana u qaadan qofkasta oo ku dhaleeceeya inuu yahay cadowgaaga, hana u dareemin wax walba ay dhahayaan dadka in uu dhib yahay, sidaa maaha ee marka hore haka yeelin arrintan inay ku saameyso ee aqbal una mahadceli dhanka ay dhalleeceyntu ka soo gocotay islamarkaana fahamsii inuu khaldan yahay, hana ka yeelan hadalada dadka kale inuu si silbi ah kuu saameeyo waayo afkaaraha iyo rayiga dadku waa ay ka duwanaadaan, haddii aadan arkin qof cajabiya qaab dhaqankaaga waxaa jira kuwa cajabiya, haddii aad ku fashilintid howshan waxaad ogaataa inaad mid kale ku najaxaysid, hadalka dadka maaha waxyi la aamino ama la rumeeyo ee ka yeelo wax caadi ah, wixii ku cajabiyo qaado wixii aan ku cabina wixii wax tar leh ka qaado inta kalana hawada raaci.  

 

Sidaan soo sheegnay naftaada marnaba cidna ha barbardhigin oo ka digtoonow middan sababta oo  ah waxay dumaynaysaa wixii la dhisay oo dhan, ha oran aniga ma lihi hebel waxa uu Alle uu siiyey oo kale ee waxaad xusuusnaataa inuu qof waliba uu leeyahay wax uu kaga duwan yahay qofka kale, mana jiro insaan kaamil ah ee waa inaad ogaataa in waxa uu alle uu ku siiyey uu misana uusan siinin dadka kale, waa inaad u noolaataa sida insaan kariim ah oo xaalkiisa la mid yahay malaayiin bashar qof waliba boos ayuu leeyahay adigana booskaaga ayaad leedahay, oo ka fogow inaad aamintid inaadan koonkan waxba ka ahayn ee waxaa tahay makhluuq ilaahay karaameeyey oo ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah.

 

Waxaa jirta hal arrin oo muhiim ah midaasi oo ah inaad diirad saaridda kartidaada iyo xirfadahaaga iyo mowhibooyinkaaga oo aad ku soo bandhigtid dadka hortooda adiga oo ku faanaya, faanidda halkan ulama jeedo inaad iskala weyniisiisid dadka yacnii inaad aamintid oo ku kalsoonaatid ayaan ula jeednaa, ku feker howlqabad ku cajabiya kuna soo jiita oo wakhtiga ha iskaga qaadin ku mashquulka dadka kale iyo dhalleecayntooda. Qof waliba xajmigiisa sii, qofna ha siinin xajmi ka weyn kiisa, Alle marka aad ka raali noqotid ka dib naftaada ka raali noqo, maadaama aadan ku hawlanaynin wax Alle xarimay micnaha waxaad ku taagan tahay waddada toosan, ee hore u soco oo jooji gadaal fiirinta badan.

 

 

Kuwa la dhibtoonaya kalsooni la’aanta naftooda dhab ahaantii khasaara ayey ku sugan yihiin, waxaana marwalba wanaagsan inaan ku dayano Rasuulkeena SCW, iyo saxaabadiisa RC, islamarkaana aan ka dhigano tusaale wanaagsan, middaasina waxaa lagu gaari karaa inaad akhiridid oo baratid taariikhdooda iyo hab nololeedkooda iyo weliba raadkooda. Si aad u noqoto qof Islaami ah oo awood leh kalsooni weynna isku qaba awoodna u leh inuu waajaho duruufkasta oo adag.

Xusuusnow goorwalba najaaxyadaada iyo hal abuuryadaada, oo gees iskaga riix waxwalba oo aad isleedahay inuu caqabad kugu keeni kara meeshana ka saari kara kalsoonidaada. Naftaada fursad kale sii si aad ugu noolaatid si wanaagsan, aqbal loolanka nolosha, dheh saaxiibkaaga ama midka kula loolamaya waan kula loolamaya waana kii fiicnaanayaa Alle idinkii, ha is dhiibin inta aad loolanka ku jirto ilaa dhamaadka wuxuu doono ha ahaado duruurfta aad doonto mar. oo dhan iska dhig inaad dhahdo aniga kuuma dhigmi, ama aniga ehel uma ihi loolankan, Alle tala saaro oo hore u soco oo kaasho dhammaan kartidaada iyo kalsoonidaada, dabadeedna waxaan kuu damaanad qaadayaa inaad ku najaxaysid hubaashii insha Allah.

 

Isku day inaad noqotid insaan firfircoon oo leh shaqooyin kala duwan howlo kala gedisan oo waadax ah, hal abuurakaaga soo bandhiga oo marna ha qarin xitaa haddii aad la kulantid cid dhalleecaysa hubaal waxaad helaysaa qof kugu dhiiri geliya oo aad u cajabiya waxqabadkaaga. Ha dulmin naftaada marka aad maqasho wax ku niyad jebiya oo burburiya hal abuurkaaga.

 

Maalintaada ku bilaabo akhrinta adkaarta iyo Quraanka Kariimka inta aad awooddo subax kasta salaadda subax ka dib gaar ahaan Suuratul Yaasiin waayo waxay saameyn weyn u leedahay nafta waxayna ku beeraysaa deggenaansho iyo xasilooni si la mid ah aayadaha kale ee Quraanka.

 

Ka feker jadwalkaaga maalinlaha ah ee manta waxa uu naftaada u keenayaa firfircooni iyo waxtar. Naftaada la sheekeyso oo saaxiib la noqo, oo hadalka wanaagsan ku layli. Gole kasta aad tagto isku day inaad ka muuqatid, wada hadal gal, la xaajood sameey, haddii aad xaaladdan ku sii socotid waxaad noqonaysaa qof waxwalba u fudud yihiin, carbi naftaada laga yaabee inaad la kulantid caqabado bilowga laakiin ka digtoonow inaad jilbaha dhulka la hesho tijaabadaada 1aadba, tartartiib jaranjarta u fuul si aad hadafkaaga u gaartid iyo halka aad ku wajahan tahay, meesha aad joogto si weyn uga muuqo waayo muuqashadaa kalsoonidaada nafta ayaa ku siyaadaysa.

Gacansiinta dadka kale kalsoonida naftaada ayaa ku siyaadaysa, muuqaalkaaga oo aad hagaajisid oo aad qurxisid kalsoonidaada nafta ayey kor u qaadaysaa, waayo “Alle waa qurxoon yahay quruxdana waa jecel yahay” naftaada ha dayacin si aysan kuu dayacin. Ha ilaawin in uu Quraanku daawo yahay oo gaashaan ka dhigo markasta, haka fogaan oo wehel ka dhigo goorwalba, kuna dhaqan, arrin kastana alle u tala saaro oo waxaad ogaataa ilaahay gacantiisa ay wax waliba ku jiraan, looma baahna inaad mustaqbalka ka welweshid, ama ka naxdid xaadirka, kana murugooyid wixii ku dhaafay, dhammaan waxyaabahan oo dhan haddii ay ku kulmaan qalbi qof mu’min ah wax gilgilayo ma jiro, xaalkaaga deji, xasiloonida ku dadaal. Allaha nool aan dhiman tala u deyso, carrabkaagana ku adkeey dikriga Alle waayo “Dikriga Alle qalbiga ayuu dejiyaa”


 

Diyaariye : Maxamed Cali Juxaa

 

Post a Comment

0 Comments