LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qiso Cajiib ah : Kalsoonida Alle iyo Qorshihiisa Xkimadaysan

 


Qisadan waa qisa cajiib ah oo ku cibra qaadasho mudan, maalin maalaha ka mid ahaa haweenay saygeeda safar ku maqnaa , waxaa ka xanuunsatay gabadheeda keliya ee ay haysatay oo aad u yareyd xammad daran ayaana haysay, dabadeed agteeda ayey fariisatay iyada oo ooyeysa oo Alle isku bihinbihinaysa, waayo inanteeda ayey seexisay casha la’aan, qof ilmaheeda casha u weysay xaggee ayey ka keenaysaa wax ay ilmaheeda dhakhtar ay ku gayso iyo daawaba , iyada oo la marayo labadii ama siddeed saac habeenimo  ayaa albaabkeeda la soo garaacay, markaasi ayey tiri : waa kuma ? markaasi ayaa qofkii albaabka garaacayey uu yiri : waa dhakhtar hebel ee iga fur. Albaabkii ayey ka furtay ka dib markii ay xijaabkeeda soo qaadatay, waxay tiri : ka dib markii aan ka furay waalidkyga oo waayeel ahna dhinacayga taagan yahay aniga oo jaraynaya, dhakhtarkii ayaa soo galaya isaga oo gacanta ku sita boorsadiisa daawada iyo qalabkiisa, markaasi ayuu yiri : meeday bukaanadda, hooyadii ayaa tiri waa taa halkaasi jiifta, dhakhtarkii waxa uu ogaaday xanuunka haya gabadha waxa uuna u qoray daawo, ka dib waxa uu istaagay albaabka guriga looga baxo isaga oo markaasi sugayey ujuuradiisa in loo keeno.

 

Hooyadii waxa ay taagnayd meel gees ah iyada oo yaab iyo khajal dhabanada la haysata, ka dib dhakhtarkii ayaa waxa uu yiri meeday ujuuradayda ? Hooyadii waxa ay ku jawaabtay waxba ma hayo. Dhakhtarkii waxa uu ku qeyliyey hooyadii isaga oo dhahaya, miyaadan ahayn qof xishoonaya ? Ma gurigayga ayaad xiligan dambe iga soo saaraysaa ? Ka dibna waxaad I dhahaysaa lacagta dhakhtarka ma hayo ? Hooyadii way oysay waxayna dhahday “Walaahi kuma soo wicin dhakhtarow aslan teleefoon aan kaa soo waco ma lihi.

 

Dhaktarkii ayaa waxa uu yiri : gurigan miyuusan ahaynin gurigii hebel ? Hooyadii ayaa tiri : maya ee waa guriga deriskeena ah oo naga soo horjeeda. Dhakhtar ayaa amakaag daran ka soo haray, markaasi ayuu haweenaydii weydiiyey xaalakeeda, iyadana way uga warantay xaalkeeda, dhakhtarkii waa uu baxay waxa uu daawada u keenay inantii yareyd ee xanuunsanaysay iyo cunto ay quutaan hooyada iyo  inanta yar.


Dhab ahaantii waxa aan aadka ugu baahan nahay waa yaqiinta Quudiyaheena oo Awooddiisana aadka u adag, balse waxaad mooddaa caqiidada dadka ay isku qasan tahay gudaha qalbiyada in badan, middaasi oo ay ugu wacan tahay dacfiga iimaanka ku jira ee dhanka Quudiyaha (Al-Razaaq), dhanka kalana waxaa jirta aragti gaaban oo ku saabsan xaqiiqada risqiga. Haddii aan ku kalsoonaano Rabbigeena oo Isaga noo maamula risqigeena iyo axwaasheena adduunyada oo ordayda ayaa agtaada imaanaysa, hayeeshee waxa loo baahan yahay ayaa waxa ay tahay kalsooni iyo dhab iyo yaqiin xoog badan oo dhanka Abuuraheena ah.

 Qore : Maxamed Cali Juxaa 

Post a Comment

0 Comments