Cahdigii Cumar Ibnul Khadhaab RC ayaa waxaa u yimid saddex nin oo ku dheggen nin dhallinyara ah, waxayna yiraahdeen Amiirkii Mu’miniintow waxaan doonaynaa inaad ninkan nooga qisaastid waayo waxa uu dilay aabaheena. Markaasi ayaa Cumar RC waxa uu weydiiyey ninkii, maxaad u dishay aabahooda ? Ninkii ayaa ku jawaabay aniga waxaan ahay geeljire iyo aridaajiye, mid ka mid ahaa geelayga ayaa waxa uu daaqay beerta aabahooda geed ku yiilay, hashii meesha daaqday ayuu dhagax ku dhaftay hashiina way dhimatay, anigana isla dhagaxii ayaa soo qaatay, waxaan la dhacay aabahooda, waana u dhintay.
Cumar ayaa waxa uu yiri : xadka ayaa lagaa oofinayaa oo waa lagu qisaasayaa. Ninkii ayaa ku jawaabay, fursad saddex maalmood isii, waayo aabahay ayaa geeriyooday hanti badan ayuu nooga tagay aniga iyo walaalkay iga yar, haddii hadda la I dilo waxaa lumaysa hantidaasi, cumar RC ayaa waxa uu yiri yaa ku damaananaya ? Ninkii ayaa waxa uu eegay wejiyada dadka, markaasi ayaa waxa uu yiri ninkan ayaa I damaananaya, waxa uu tilmaamay Abaa Darr Al-Gafaariy. Abaa Darr ayaa la weydiiyey, Abaa Darrow ma adiga ayaa damaananaya ? Abaa Darr ayaa ku jawaabay haa Amiirkii Mu’miniintow. Cumar ayaa yiri : ninkan ma taqaanid,haddii uu imaan waayo adiga ayaan ku qisaasayaa oo xadka kugu oogayaa, markaasi ayaa Abaa Darr waxa uu yiri : waan oggolahay Amiirkii Mu’miniintow aniga ayaana damaananaya.
Ninii waa baxay maalintii koowaad waa tagtay labaad iyo saddexaadba, dadkii oo dhan waxa ay ka walwalsanaayeen Abaa Darr in laga oogo xadka qisaaska, salaadda maqrib ka hor wax yar ayaa waxaa meel dheer ka soo muuqday ninkii ee neeftuur badan ka muuqdo, isaga oo ka muuqato daal daran iyo tacab, waxa uuna soo hor istaagay Cumar hortiisa, ninkii ayaa waxa uu yiri hantidii waxaan ku soo wareejiyey walaalkay iga yar abtiyadiisa, anigana waa ikan waxaana diyaar u ahay qisaasta, Cumar aad ayuu ula yaabay ninkii, waxa uuna yiri : maxaa ku soo celiyey waxaad awood u lahayd inaad cararto oo baxsato ? Ninkii ayaa ku jawaabay haddii aan cararo ama baxsado waxaan ka baqay in la yiraahdo ballan oofinta way ka dhamaatay dadka dhexdiisa. Haddana Cumar waxa uu weydiiyey Abaa Darr, maxaad u damaanatay ninkaan aadan aqoonin ? Abaa Darr RC ayaa ku jawaabay waxaan ka baqay in la yiraahdo dadka dhexdiisa kheyrka waa ka dhamaaday, ka dib arrintii ayaa waxaa si weyn u saameysay nimankii aabahood la dilay, waxay yiraahdeen waan cafinay, markaasi ayaa Cumar RC weydiiyey nimankii la dilay aabahooda, maxaad u cafiseen ? markaasi ayey ku jawaabeen waxaan ka baqnay in yiraahdo dadka dhexdiisa waxaa ka dhamaaday cafinta, waa kan Islaamkeena, diinteena iyo Caddaaladdeena.
Qore : Maxamed Juxaa
0 Comments