LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Muxuu Yahay Farqiga u dhexeeya Siyaasi iyo Hoggaamiye


 


In la go’aansado murashaxa loo codeynayo oo xafiiska imaanaya waxaa dadka u fududeeya xisbiga ama kooxda ay raacsan yihiin, qaar kalana waxa ay codkooda u dhibtaan iyaga oo ku saleeya qofka ay dooranayaan nooca tayada ama tilmaamo ama dhaqan xaddidan oo ay ku doortaan murashaxooda, haddaba waa maxay tayada ama dabeecadda uu leeyahay hoggaamiye leh siyaasad wanaagsan, muxuuna yahay farqiga u dhexeeya hoggaamiye iyo siyaasi ?

 

Waxa ay ila tahay hoggaamiyaha masuliyad laawaha aha waa waa siyaasi, siyaasiga leh masuuliyaddana uu yahay hoggaamiyaha runta ah, siyaasiga dhabta ah waxa uu yahay midka qaada masuuliyadda naftiisa, dadkiisa, mujtamaciisa iyo dalkiisa, hoggaamiyayaashii casrigan ugu wanaagsanaa waxa uu ahaa madaxweynihii ugu wanaagsana uguna horreeyey ee madow ah ee Dalka Koonfur Afrika Nalson Mandela ahaana mid ka soo horjeeda midab kala sooca ayaa waxa uu yiri hadadaladan ku saabsan hoggaanka :

 

Hoggaamiyaha xaqiiqiga ah waa inuu diyaar u yahay inuu nafta u huro gebigiisaba xoriyadda dadkiisa.

Waxaa wanaagsan inaad gadaal ka hoggaamiso dadkana aad hore dhigto, gaar ahaan marka loo dabaaldegayo guul iyo dhacdooyinka wanaagsan, ka dib safka hore aad ka hoggaamiso dadka haddii ay khatari jirto, dabadeed dadka si weyn ayey u qaddarinayaan hoggaamintaada. Si la mid ah arijirka, marka uu arigiisa quminayo uu gadaal ka maro, ariga kuwa ugu roonna hor geliyo kuwa kalana ay raacaan isagana uu gadaal ka istaago.

Qofka marka uu sameeyo waxa uu tixgeliyo oo ah waajibaadka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa, waxa uu u nasanayaa si nabdoon.

 

Muhiim maaha fekerka aad ka qabto shakhsi ahaantaada Nelson Mandela, hayeeshee ujeeddada waxa ay tahay in aan ka qaadano muuqaal guud oo isku waafaqsan sanahay in hadaliisan ay yihiin kuwa xaqiiqa ah, isla markaana uu uu dadkiisa iyo dalkiisa uu gaarsiiyey is beddel xoog leh oo la taaban karo middaasi oo ah mid aan la dafiri karin dhanka hoggaankana uu ka gaaray in loogu yeero “Laandheeraha Hoggaanka” lagana dhaxlay hoggaamin wanaagsan.

 

waxaan u baahan nahay hoggaamiyayaal ku dayasha mudan meel kasta oo ka mid ah qarankeena, waxaan u baahan nahay hoggaamiye xambaarsan aragti aad u fog, waxaan u baahan nahay hoggaamiye weyn oo dhanka tacliinta ah, dhanka ururada iyo mideynta, dhanka daawada, dhanka arrimaha qoyska, dhanka horumarka iyo dhankasta. Laga yaabee maalin maalmaha ka mid ah aan dhahno in hoggaamiyayaasha dhanka siyaasadda badankoodu waxa ay ahaayeen kuwa ku dayasho mudan, hayeeshee wakhtigan xaadirka xaaladda iyo qaddiyadda sidaa uma muuqato, waddankeena ama caalamkaba waxa ay la dhibtoonayaan natiijooyinka aan hadda arkayno.

 

Haddii siyaasigu uusan dareemaynin masuuliyaddiisa, haddii uusan dareemaynin dadkiisa, haddii uusan dareemaynin mujtamciisa, haddii uusan dareemaynin dalkiisa haddaba maaha hoggaamiye dhab ah gebi ahaanba. Sidoo kale waa inaan xusuusnaanaa in masuuliyaddiisu aysan ku ekeynin marka uu noqdo hoggaamiye wanaagsan, waa inuu abuuraa hoggaamiyayaal kale oo wanaagsan. Hoggaamiyaha aan abuurin hoggaamiyayaal wanaagsan maaha hoggaamiye wanaagsan. Hoggaamintu waa lahaansho iyo masuuliyad. Waxa uu masuul ka yahay naftiisa, qoyskiisa, mujtamaciisa, waddankiisa iyo masuuliyadda ugu dambaysa oo caalamka oo dhan. Dhammaan hoggaamintu waa saameyn iyo ficil,  waa bilaabid, waa firfircooni joogta ah, waa ka jawaabid, waa dareen darban, qofka wax hoggaaminayaa waxa uu leeyahay wacyi buuxa, iyo damiir nool, in badanna uu ku xisaabtamayo waxa uu hoggaaminayo.

 

Ugu horreyn aan ku bilowno su’aasha ah ma siyaasi baad tahay mise hoggaamiye  ?

 

waa maxayse farqiga u dhexeeya ? haddaba jawaabtu waa ay fududahay : Hoggaamiyuhu danaha dadka u adeegayo ayuu muhiimadda koowaad uu siinayaa, hayeeshee siyaasigu danahiisa qaaska ah ayuu muhiimadda koowaad siinayaa oo markaasi isaga u adeegaysa, haddaba halkaan waxaa xusid mudan arrintan : siyaasiyiintu kuma ekaadaan xayndaabka siyaasadda kaliya oo waxa ay ku lug yeeshaan, waxa ay siyaasiyiin u yihiin ururo ha noqdeen ururo diimeed ama ururo kale ku lug leh qorshayaal shakhsiyeed fulintooda oo ka baxsan howlahooda quseeya siyaasadda, waxay siyaasiin u yihiin saaxooyinka suuqyada ama caalamka ganacsiga iyaga oo kaliya ka fekera faa’iidooyin sidii ay ku heli lahaayeen iyo hanti urursi ka baxsan shaqa wadareedda la hayo ama u wanaagsanayn dadka.

 

Hoggaamiyaha waxa uu u shaqeeyaa daal la’aan gaar ahaan waxa wanaagsan oo dadka u adeegaya, waa uu ka duwan yahay siyaasiga. Hoggaamiyayaashu naf hur ma weydiistaan dadkooda raacsan iyaga u adeegsanaya damacooda qaaska ah, waxa ay dhiirigeliyaan oo soo saaraan jiilka xiga si ay iyaga u beddelaan oo booskii ay banneeyaan u buuxiyaan uu u wanaagsan koox wadareedka qorshahooda, waxayna sabab u noqdaan najaaxa najaaxooda. Hoggaamiye ama siyaasi waxaa noqon kara qof kasta oo qaadi kara masuuliyad xukun, diin, shirkad, urur, mujtamac, magaalo, dowlad goboleed, gobol, ama qaranka oo dhan.

 

Haddaba halkaan waxaan idiin ku soo gudbinayaa 18 dhaqan ama tilmaan oo markaasi tilmaamaya farqiga u dhexeeya siyaasi iyo hoggaamiye.

 

1. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa mansab halka hoggaamiyahana uu diiradda saaro mansab la’aan.

2. Siyaasiga been buu sheegaa marka ay duruuf soo foodsaarto halka hoggaamiyaha uu runta sheego marka ay duruuf soo waajahdo.

3. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa barnaamij, hoggaamiyanaha mabaadii’..

4. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa ballan qaadyo, hoggaamiyahana qiime.

5. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa howlgal, hoggaamiyaha aragti fog.

6. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa awood, hoggaamiyahana awoodeyn.

7. Siyaasiga waxa uu diiradda saaraa badbaadinta kursigiisa, hoggaamiyahana badbaadinta dadka.

8. Siyaasiyiinta waxa ay diiradda saaraan ilaalinta xquuqdooda, hoggaamiyahana ilaalinta xuquuqda dadka.

9. Siyaasiyiinta waxa ay diiradda saaraan doorashada soo socota, hoggaamiyahana jiilka soo socda.

10. Siyaasiyinta naftooda ayey ahmiyad siiyaan iyo ururka ay ka tirsan yihiin, hoggaamiyahaashana dadka ay u adeegaan.

11. Siyaasiyiinta waxa ay xoogga saaraan go’aamada saacidaya in cadaadis lagu saaro kooxaha kale, hoggaamiyayaashana waxa ay xoogga saaraan go’aamadaa saacida guddiga doorashooyinka.

12. Siyaasiyiinta waxa ay lacag ku bixiyaan mashaariic iyaga saacidaya, hoggaamiyayaashana waxay lacag ku bixiyaan mashaariic in badan jiraya oo danta guud u wanaagsan.

13. Siyaasiyiinta aad ayey ugu adag tahay in ay miisaaniyadda ka jaraan lacagta ay ku raaxaystaan, hoggaamiyayaashana dhib kuma qabaan, sababta oo ah raaxadooda ayaaba yar.

14. Siyaasiyiinta waxa ay dhisaan oo ay qariyaan nidaam dowladda ay leedahay kaasi oo lagu sameeyo go’aamada ugu muhiimsan oo sameeyaan madaxda dowladda, ama xubno lasoo doortay (bureaucracy), hoggaamiyahana waa la dagaalamaa.

15.  Siyaasiyiinta waxa ay faraha ku fiiqaan dadka mana qirtaan khaladaadkooda, hoggaamiyayaashana waxa ay aqbalaan qaladkooda, wayna qirtaan.

16. Siyaasiyiinta waxba kama bartaan fashalkooda, hoggaamiyayaashana qaladaadkooda ayey ka bartaan.

17. Siyaasiyiinta hadafyadooda sir ayey ka yeelaan, hoggaamiyayaashana hadafyadooda waxa ay ku saleeyaan mid in badan jira, dadka oo dhanna la wadaaga.

18. Siyasiinta waxa ay dejiyaan tusaalooyin daciif ah, hoggaamiyayaashana waxa ay dejiyaan tusaalooyin xooggan ama wanaagsan.

 

Nasiib wanaag hadda waad ogaan kartaa sababta ay noogu dhacday maanta ama uu noo hayo dhib, maxayna tahay sababta aan ugu baahan nahay asaasi ahaan in aan dib u eegno tayada aan ugu baahan nahay kuwaasi aan ku tilmaano hoggaamiyayaasheena. Sidaa darteed siyaasiyiinteena badankoodu ma gaarin heerkii ay ku gaari lahaayeen hoggaamiye iyaga oo haddana isu haysta in ay yihiin hoggaamiyayaal, naftooda ayay been ku maaweeliyaan, siyaasiyiin go’aamada ay qaadan lahaayeen haddiiba cid kale u qaaddo xitaa waxaan ka xishoonayaa aniga in aan siyaasi ugu yeero.

 

Qore : Maxamed Cali Juxaa

 

 

  

 
 


 

 

 

Post a Comment

0 Comments