LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Muxuu Yahay Farqiga u Dhexeeya Isbeddel Jecle & Isbeddel Sameeye ?



Waxaan jeclahay in aan idinla wadaago macluumaad muhiim ah markaasi ku saabsan nafteena, isbeddelka aan rabno, iyo waxa aan qabanayno, macluumaadkaan waa mid aad muhiim u ah, una muhiimsan nafteena, wax qabadkeena iyo masuuliyadda ummaddeena naga saaran iyo waddankeena.

 

Dabiici ahaan dhammaanteena waan jecel nahay waxyaabaha wanaagsan oo inta badan laga sheekeeyo, waxyaabaha wanaagsan oo dhan waa la jecel yahay, balse farqi ayaa u dhexeeya inaad jeclaatid iyo inaad noqotid, tusaale ahaan caddaaladda waa lawada jecel yahay, balse caaddil inaad noqoto waa ay ka duwan tahay inaad caddaaladda jeclaato, Quraanka laba arrimood oo muhiim ah ayaa lagu sheegay oo kala ah fidra iyo sibga, tusaale ahaan inaad jeclaatid isbeddel wanaagsan middaasi waa fidra, hayeeshee isbeddel sameeye inaad noqoto waa sibga.

 

Anaga waan wada jecel nahay inaan ummaddeena dhibka ka saarno, waddankeena ka badbaadino shirqoolada loo maleegayo, jeclaan kaliya waxba ma soo kordhinayso haddii aan la noqonin qeyb ka mid isbeddelkaasi ama gebi ahaantiisaba.

Sheyga ugu horreeya oo daruuriga ah ayaa waxa uu yahay in aan isbeddel la taaban karo ku sameyno nafteena, isbeddelka wanaangsan haddii aad naftaada ka bilowdo oo aad ku guulaysato waxaad awood u yeelnaysaa inaad noqoto is beddel dhaliye ama sameeye, saaxiibkaaga koowaad waa naftaada, cadowgaaga koowaadna waa naftaada, adiga ayaana leh go’aanka aad ka qaadanayso, naftaada saaxiib inay kuu noqoto ama cadow in ay kuu noqoto,, haddaba goormee ayey saaxiib kuu noqon kartaa ? Waa marka aad hoggaaminayso adiga, goormeese ay noqon kartaa cadow ? Waa marka ay ku hoggaaminayso, taana waxaa kuu caddeynaya in Rasuulkeena SCW uu noo sheegay in jihaadka ugu weyn uu yahay jahaadka nafta lala jihaadayo.

 

Tallaaba kasta oo wanaag iyo kheyr ah aan qaadanayno waxaa hubaal ah in abaal marinteeada la helayo middaasi oo Alle noogu caddeeyey Quraankiisa :

 

وما تقدموا لأنفسكم من خير تجدوه عند الله

“WAXAAD NAFTIINA OO KHEYR AH ALLE AGTIISA AYAAD KA HELAYSAA”

 

Kheyrkan uu allah ka hadlayo ayaa waxa uu soo koobayaa dhammaan waxyaabaha aad bixinayso, wakhtigaaga aad bixiso kartidaada aad bixiyso, aqoontaada aad bixiso, khibraddaada aad bixiso, maalkaaga aad bixiso iyo wax alaala iyo wixii aad bixinayso oo kheyr ah oo dhan.

Arrinta kale oo aan rabo inaan is xusuusino waxay ay tahay inuu qof walba uu ku mashquulo arrimihiisa isaga u gaarka oo uu markaasi ay dhici karto inuu ku maaraynayo noloshiisa waa sax, carruurtaada darteeda ayaad u shaqeysaa si ay ugu noolaadaadaan nolol wanaagsan, hayeeshee waxaa jira carruur la mid ah kuwaaga oo kale oo oo aabe la’aan ah ama hooyo la’aanah, hoy la’, waxbarasho, dhar la’, mustaqlbkooda lumaya, waajibna ay tahay inaad ka fekertid, haddii kale iimaankaaga ma dhamaytirmaayo sida uu Rasuulkeena SCW noo sheegay.

 

لا يؤمن أحدكم حتى يحب لأخيه ما يحب لنفسه

“Qofkiinu ma rumaynayo ilaa walaalkiisa la jeclaado waxa ay naftiisu jeceshay”

 

Ma xaq baa ?  Ma caddaalad baa ? , Ma wanaag baa ? Ma Rumeyn baa ? in carruurteena cunaan cuntada ugu wanaagsan, xirtaan dharka ugu wanaagsan, seexdaan firaashka ugu wanaagsan, helaan waxbarashada ugu wanaagsan, dhigtaan iskuulakada ugu wanaagsan, carruurtii waddankeena, muslimiina wada ah ay ku jiraan dhibaata middii ugu xumayd !!??

 

Xaaskaaga darteeda ama saygaaga dartiisa ayaad har iyo habeen ugu dadaalaysaa inaad gudato waajibaadka dhankiisa ama dhankeeda kaa saaran, halka ay jiraan dhallinyaro badan oo guur la’ oo la’ wixii ay ku guursan lahaayeen, haddii ay noqon lahayd maal, caaafimaad qab, agab, oo haysato, shaqo la’aan, iyo cunto la’aan, adigana waxaad ku seexataa firaashka ugu fiican, waxaad cuntaa cuntada ugu macaan, waxaad xirataa dharka ugu quruxda badan, ama waxaa dhici karta inaad ku socoto gaariga ugu quruxda badan. Malaayiinna ay ku soo eegayaan si aad wax ugu qabato intii awooddaada ay gaarsiisan tahay, Rasuulkeena ayaa waxa uu nagu booriyey in aan u naxariisano dadka dhulka jooga si na loogu naxariisto samada.

 

 Ummaddada intooda badan waa dhibaataysan yihiin adiga ayey ku sugayaan inaad dhibaatada ka saartid oo sabab u noqotid, Rabbigaagana uu kuu doortay middaasi kuguna karaameeyey, adigana aad leedahay awooddeeda kartideeda, xooggeeda, khibraddeeda, aqoonteeda, waayo Isaga ayaaba ku siiyey caqliga aad ku garatay waxyaabahan oo dhan, kuguna ilhaamiyey, waana nicma aad u weyn oo uusan siinin in badan oo basharka, haddii aadan ugu adeegin waxyaabahan mannada iyo hibada ah shacabkaaga iyo waddadnkaaga waxaad ogaanaysaa in berri lagu weydiin doono nicmooyinkan lagu siiyey oo dhan, dabcan adiga ayaana yaqaana jawaabta aad bixin lahayd, howlahaaga kuu khaaska ayaad ku mashquulsan tahay, hayeeshee yaad u daysay middii guud oo la ajligeeda u joogtid adduunkan ?

 

Garasho, faham, aqoon, feejignaan, iyo waxyaaba badan ayaad khaas u leedahahay  oo Alle kugu karaameyey yaad ugu tagtay dadkaaga oo intaasi oo dhan haysanin, xitaa maalin walba laga fasahaadinayo iimaankooda, diintooda, iyo muslimnimadooda, iyaga oo markaasi laga faa’iideysanayo aqoon daradooda, duruuftooda, iyo nolol xumadooda, miyey habboon tahay inaan diinteena aan dhahno waa jecel nahay, haddana aynaan difaacinin, difaac dhan walba ah halkii niyadda laga jeclaan lahaa in la difaaco ? Miyey habboon tahay in aan sheegano inaan jecel nahay Nebigeena SCW, haddana aynaan raacin jidkiisa anaga oo haddana jacaylkiisa sheeganayna, miyuusa Rasuulkeena noo sheegin inaan ku dadaalno waxa na anfacaya, Allena kaalmo weydiisano oo aynaan caajisin ? Miyey habboon tahay in allah jacaylkiisa sheegano haddana aynaan raacin Ammaradiisa, oo ay ka mid tahay inuu masuulna nooga dhigay dhulkan si aan u camirno una dhisno, mise waxyaabahan oo dhan waxaa ka qiime badan howlaheena shakhsiyeed !!?? Haddaba waxaa jirta waxyaaba muhiim ah oo aan dayacayno berrina la is weydiinayo .

 

Waxaa dhici karta inuu qofka is yiraahdo aniga waa awood yarahey ee waxyaabahan ma qaban karo, haddaba awoodda sidee ayey ku timaadaa, iska fadhi miyey ku timaadaa mise doonid, ma daawsho ayey ku timaadaa mise dhaqaaq, ma sugid ayey ku timaadaa mise wax qabsi, mise Rabbi dhankiisa ?

 


xaglo laabani xoolo kuma yimaadaaan ee qofka kaliya ee kuu xaddidaya qofka aad noqonayso ayaa waxa uu yahay qof aad go’aansatay inaad tahay, haddii aad tahay qof is beddelka jecel ama inaad tahay qof is beddel sameeye. Ka bilow meesha aad joogtid, isticmaal waxa aad haysato, oo sameey waxa aad awooddo, sheyga cajiibka ah ayaa waxa uu yahay inaadan hal daqiiqad sugin si aad horumar u gaarsiiso wadaankaaga iyo guud ahaan caalamka. Anaga marka uu hal albaab naga soo xirmo waxaan ilawnaa inuu noo furmayo albaabka kale, hayeshee muskhiladdu waxay tahay in aan ku mashquulno oo tamarteena oo dhan ku bixino albaabkii soo xirmay anaga oo haddana u jeedin albaabka noo furmay, inta aan goorwalba u shaqa doonayno xafiisyo dad leeyihiin ama dowlad, ama hayad maxaan ugu fekeri la’nahay inaan abuurano xafiisyo ama xarumo loo soo shaqa tago, halkii aan shaqo u doonan lahayn in anaga naloo soo doonto oo shacabka laf dhabar u noqono, middaasina way imaan karaysaa marka aan midnimadeena xoojino oo ku fekerno inaan noqono isbeddelsameeyeyaal halkii aan ka jeclaan lahayn

 

Waxaase goor walba wanaagsan in qofka uu ka fekero waxyaabaha uusan qaban karin si uu qabto waxyaabaha uu qaban karo. Dacfiga ugu weyn waxa uu dhex jiifaa marka aan is dhiibayno, balse waddada ugu wanaagsan aan ku guulaysan karno ayaa waxa ay tahay in had goor isku dayno si aan u guulaysano, inaad niyadda iska disho ama niyadda dhisato oo naftaada dhiirigeliso adiga ayaa leh go’aankaas, adiga ayeyna kugu xiran taha.

 

Aniga waxaan aaminsanahay Rasuulkeenana noo sheegay in qof walba niyaddiisa lagu arsaaqayo, haddii niyaddeena run aan ka sheegno, oo Allah khaalis uga dhigno, dadaal badan la imaano, Isagana kaalma weydiisano, wax walba oo culus waa noo fuddeynayaa, waxwalba oo weyn waa noo yareynayaa, ilhaam ayuu na siinayaa, towfiiq ayuu nagu deeqayaa, waddadeena ayuu noo nuurinayaa.

 

Waxaana mowduucaygan maanta ku soo gabagabaynayaa, aan ku dadaalno tacliinta micnaha anaga oo howlaheena wadano, tacliinteena aan dhisno, waayo waa furaha dhammaan waxa aan rabno, waa bilowga hodantinimada, waa bilowga caafimaad qabka, waa bilowga cibaadaadka ruuxaaniga ah, cilmi baarista iyo tacliinta waa halka ay ka bilaabato nidaamka mucjisooyinka.


Qore : Maxamed Cali Juxaa

 

 

Post a Comment

0 Comments