Kalsoonida waa shey isku xiraya laba qof iyada oo aan qofka ka shakin niyadaha shakhsiga kale, iyo daacadnmada iyo ikhlaaska qofka kale, waxayna dhextaalaa niyadaha wanaagsan iyada oo markaasi ay ku dihsan tahay garashada qofka ee dhanka kale, waa arrin dib dhigan oo natiijadeeda la ogaado oo soo muuqato mustaqbalka. Cilmiga nafsiga ihtimaam badan ayuu siiyey qeexidda kalsoonida waa heerka rumaynta qofka iyo aaminidda qofka kale. Haddii kalsoonidu ay ku timaado fashal middaasi oo u dhexeysa dadka oo markaasi fashalkaasi sal u yahay karid la’aan, middan ma gilgilayso mana jilcinayso kalsoonida ee waxa ay ku gilgilataa ama jilicdaa marka ay timaado sababo ku salaysan amaana yari iyo run la’aan.
Kalsoonida maaha shey maaddi ah oo markaasi lagu sameyo halbeeg lagu cabbiro ee waxaa lagu halbeegaa samanka, mowqifyada, iyo qaab dhaqanka. Kalsoonidu waxa ay leedahahay micne akhlaaqi ah iyo qaab dhaqan aan toos ahaynin. James Koliman ayaa waxa uu ku qeexay kalsoonida lagu heli karo ihtimaamsiinteeda iyada oo loo marayo dhowr arrin. Iyada oo haddana kalsoonida ay oggolaanayso in la qabto dhowr arrin xitaa iyada oo aan jirin macluumaad la hubo oo iyada ku saabsan, waayo kalsoonida qofka ayay ku xiran tahay heerka gaarsiintiisa isaga oo markaasi ku dhisaya dhowr arrimood oo qaarkood lagu kalsoonaan karo. Qofka haddii uu baal maro arrimahan laguma kalsoonaan karo.
Waxaa ku lama huraan ah ee dhan ka mid ah labada dhan inuu ku bilaabo kalsoonida dhanka kale iyo inuu tijaabiyo ilaa uu ka beerayo kalsoonida laba dhinac oo markaasina noqota mid la is weydaarsado. Waxaa jirta muddo wakhtiyeysan oo u dhexeysa qaab dhaqanka kalsoonida iyo natiijadeeda, mana aha mid daqiiqado ku timaada ama deg deg.
Noocyada Kalsoonida
Kalsooni Indha La’ : tani waa kalsoonida mudhlaqa ah micnaha ugu sarreysa oo aan jirin kalsooni ka sarreyso iyo raaxa dhammaystiran oo laga dareemayo dhanka kale oo lagu kalsoon yahay, halkaasi oo aanu ka jirin ama imaanaynin shaki iyo labalabayn, waa sida kalsoonida qofka mu’minka uu Rabbigiisa uu ku qabo, waana kalsoonida ugu sarryesa oo dhammaan ku soo aroortay Sunnada Rasuulkiisa SCW, kalsoonida aad ku qabto waalidka iyada oo markaasi ugu wacan tahay heer aad jeceshahay iyo ku dadaalkooda maslaxadda awlaaddooda.
Kalsoono Sugan : Waa in aad ku kalsoontid shakhsi kale iyada oo haddana jirto cabsi yar iyo irtiyaax la’aan ah, middaasi oo keenaysa in qofka aad la tacaamulayso ee dhanka kale isaga oo aan ka shakiyin niyooyinkiisa, sida kalsoonida labada isku qaraabada ah.
Kalsooni Il Ku Hayn : waa midda jilicsan waxaana suuragal ah in daqiiqad kasta isku beddesho shaki iyo cabsi, iyada oo ay ugu wacan tahay in ay suuragal tahay in shakhsiga kale uu noqdo beenaale oo markaasi gaadmo ugu jira qofkii ku kalsoonaaday.
Kalsoonida Mowqifka ah: waa kalsooni dhisa qof iyada oo gundhig u tahay mowqif isaga ku dhacay lana ogaa dhankii lagu kalsoonaaday.
Kalsoonida Nafta : waana kalsoonida nooca ugu wanaagsan uguna muhiimsan, waana kalsoonida daruuriga ah in qofka laga helo goor walba, ilaa uu ka noqonayo insaan toosan oo bisil, qofka waxaa waajib ah inuu naftiisa ku tababaro kalsoonida nafta isaga oo markaasi horumarinayana isla markaana saxaya jihada ay ku socoto, kana fogaado naqdinta silbiga ah ee nafta, middan ayaa waxa ay tahay in qofka uu eedeeyo naftiisa isaga oo aan markaasi isku dayin inuu ku sameeyo is beddel waxa uu naftiisa ku eedeynayo.haddaba waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo markaasi suuragal ah inuu qofka uu ka saacido si uu u dhiso kalsoonida naftiisa, sida waxyaabaha macnawiga ah, sida qofka inuu garto waxyaabaha uu ku xoog badan yahay iyo waxyaabaha uu daciifka ku yahay, iyo waxa ku saabsan cilmiga, sida ogaanshaha heerka qudradiisa marka uu ka sheekeynayo nafta, iyo waajihidda dhammaan waxa ka socda hareerahiisa si saliim ah oo macquulna ah
َQore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments