Maroodiyaasha marka ay ka guurayaan oo meel kale ay u hayaamayaan si wadar ah ayey u wada socdaan, ugaaratada maroodigana arrintaasi ayey ogaadeen oo waxa ay godad ku sameeyeen waddada ay isticmaalayeen maroodiyada afka ayeyna ka dabooli jireen, maroodigii aan ka digtoonaan godka ayuu ku dhacayaa, waayo waa culus yahay xajimigiisana waa weyn yahay mana awoodo inuu ka soo baxo godka, ka dibna ugaaratada waxa ay u soo labistaan dhar midabkiisu madow yahay, way garaacaan oo wey cadaabaan iyaga oo ulo adeegsanaya, maroodigana aad ayuu nacay qofkiiba xiran dhar madow, ugaaratada waa ka tagayeen maroodiga haddana waxa ay usoo xiranayeen dhar cad oo wey quudinayeen, godkana way ka soo saarayeen waxayna ka daba gaynayeen maroodiyaasha kale noloshiisa ayaa la badbaadiyey, maroodigana waxa uu bilaabay inuu jeclaado qofkii xiran dhar cad. Marka hore waa lagu xanuunjinayaa haddana waa lagu raaxaynaa, hadafka laga leeyahayna waa in la addoonsado maroodiga sida la doonana laga yeelo. Ilaahay hay naga badbaadiyo xukunka kuwa awoodda sheeganaya iyo addoonsigooda ay ku hayaan ummadaha….
Tusaale ahaan qof ayaa cudur aad u daran ku dhacay Alle ma qadaree, xanuun weynna ku hayo, ma rumaysanaysaa in xanuunka daran ee cudurka keenay uu yahay qeyb ka mid ah ka bogsashada cudurka, marka xanuunkan waa digniin ee iska daweey halkii aad taah la fariisan lahayd, mase garanaysaa cudurka halista ah waxa uu yahay ? waa midka aan xanuunka lahaynin, wuu faafaa, wuu koraa waana ku xukumaa ilaa uu gaaro heer aan la daaweyn Karin ka dibna uu kaa soo muuqdaa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo aan waxba laga qaban Karin. Waxaan dhibsanayno oo dhibaata ah oo ka dhacaya waddankeena ha moodina kaliya in ay shar kaliya tahay, kheyr in ay noo tahay ayaa dhici karta, farajkana waa soo dhowyahay Insha Allah… Ha xanuunsan oo ha dhibsan xanuunka cudurkan waayo waa qeyb ka mid ah bogsashada, ha dhibsan oo hala dhibtoon xanuunka uu cadowgu ku hayo ummaddeena waayo waa qeyb ka mid ah sababta guusha #NabadSoomaaliya .
Gaalada Ilaahay waxa uu gacanta u geliyey awoodda ugu weyn iyaga ayaana go’aan qaadashada leh, caalamka gacanta ayey ku dhigeen, kelmadooda ayaana socota, ammarkooda ayaana la fulinayaa, sida muuqatana waxay sameynayaan waxa ay ku hadlaan, Alle awooddii uu siiyey ayey is qaadqaadayaan oo is kibrinayaan, wax walba ayey burburinayaan ilaa qofka iimaankiisa daciifka yahay uu yiraahdo “ Aaway Allah” bal eega waddama badan oo caalamka gaar ahaan waddamada muslimiinta waxa ka dhacaya oo uu ka mid yahay waddankeena, Suuriya, Ciraaq iyo kuwa kale, haddaba waxaad ogaataan waxan oo dhan in ay yihiin imtixaan, Ilaahayna calaamadihiisa iyo awooddiisa uu soo muujinayo ilaa uu gaalka ka khiro inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan Isaga ka ahayn, sida Fircoon oo kale, qofka muslimka ah oo iimaankiisa dhab yahay adag yahayna waxaan oo dhan uma aaba yeelo, haddii aad la timaadid, iimaan adag, niyad run ah iyo inaad ku toosnaatid Ammarada Alle waxaa hubaal ah in la guulaysanayo…
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments