Cadowgaaga waa midka ku dhiba af iyo addin, waa midka ku dhibaateeya hadal ahaan iyo ficil ahaan waa midka dhiba horumarkaaga, shakhsiyaddada, dadnimadaada, waxqabadkaaga, jecel ceebtaada, daba kaca khaladkaaga, dura hankaaga iyo himiladaada, wasakheeya wanaaggaaga, kuu sameeya cilado iyo ceebo aan u muuqanin dadka kale, tani waa heer qof ahaaneed. Cadowga mujtamac iyo ummad ahaan : waxa uu dhibaateeyaa hadal ahaan iyo ficil ahaan mujtamacaaga iyo ummadda, ma jecla in raaxeystaan, ma doonayo in ay nastaan, lama rabo horumar iyo horukac, waxa uu doonayaain ay u dawarsadaan si joogta ah, waxa uu doonayaa in ay kala daadsanaadaan, laaya haldoorka dadka hadal ahaan iyo ficil ahaan, una maleega mu’aamarooyin iyo iyo dhagaro, uma oggola in ay qaataan hawo nadiif ah, ka hor istaaga neecaawda macaan, u diida saxansada udgoon, dhiiqeeya baraarahooda iyo barwaaqadooda, marka uu kula joogo waxa uu ku tusaa weji qoslaya, bashaasha ah iyo daacadnimo, marka uu kaa tagana dhabarka ayuu mindi kaala dhacayaa, caradiisa ayuu muujinayaa, dibindaabyo ayuu dhanka kale ka soo maleegaa adiga oo u haysta inuu yahay samafale ama saaxiib kani waa heer mujtaac iyo ummad.
Heer waddan waxa uu caayaa masuuliyiinta ummadda, waxa uu bartilmaameedsadaa hoggaanka shacabka, dalka iyo qofka, waxa uu ceebeeyaa ciladeeyaa, cadaaweeya, ihaaneeya, wasakheeya, xumeeya, bahdilaa, daayacad rakhiis ah ku fura astaanta diinta, dadka iyo dalka. Qofkii masuulka ummadda ama hoggaanka dalka waxyaabahan oo dhan kula dhaqma micnaheeda waxay tahay ummada oo dhan ayuu waxaan ku sameeyey waayo hankiisa iyo iyo hamigiisa ugu weyn waxa uu yahay in aan korna loo kicin horna loo socon, isaga oo adeegsanaya durbaano oorgano iyo gataaro kala duwan, mar waxa uu soo qaadayaa durbaanka masuqmaasuqa, marna durbaanka qabyaaladda, marna durbaanka khiyaanada, haddii ay intaasi dadka soo jiidan waayo haddana waxa uu soo qaadanayaa gataarka nin jeclaysi la yiraahdo, gitaarka keligii taliye, gitaarka isku dirka iyo iska horkeenka iyo gitaaro badan oo kale, haddii uu intaasi wax ku qaadi waayo cadowgan, waxa uu soo qaadanayaa oorganka la yiraahdo mujtamac iska horkeen, kooxo hubaysan abuurid, qaraxyo abaabul, dilal abaabulan, dullaysi dad iyada oo awood la isticmaalayo iyo dhammaan howlo liita, guracan, iyo qadir ah si masuulka looga horkeeno dadkiisa.
Haddii durbaanka, ama gitaarka ama oorganka wax lagu qaadi waayo saddexdooda ayaa la isku daraa si markaasi loo soo saaro laxan kale oo cusub, qaar ka mid ah laxamadaasi hore ayaa loo isticmaalay kaasi oo ah laxanka ashahaado la dirir iyo ashahaado u dirir, iyo laxan caalamka oo dhan si fiican looga yaqaano kaasi oo ah argagixso, maalmahan dhowna waxaa imaan doona laxan cusub. Haddii aan soo koobo micnaha cadow waa mid kula maaggan goob iyo goor kasta mu’aamarad iyo bognojaris.
Cadowga waxa uu kala baxaa cadow sokeeye iyo cadow shisheeye, sokeeyaha waa ka daran yahay shisheeyaha, shisheeyahana waa og yahay middaasi oo in sokeeyaha ka saameyn badan yahay shisheeyaha, sidaa darteed ayuu u adeegsanayaa sokeeyaha oo uu diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa dhibtaatooyin af iyo addiba leh u horseedayaa, hankiisa iyo hammigiisa ugu weynna uu yahay ama magac, ama maal ama madaxtinimo. Haddaba kuwa noocaasi ah maaha kaliya cadowgeena, sidoo kale waa Cadowga Alle, waayo waxay sameynayaan dhammaan waxyaabihii uu ka reebay Allahooda kana mamnuucay, waajibna ahayd in ay ka fogaadaan.
Saaxiibka isaga waa sahlan yahay waxa uu sameeyaa dhammaan waxyaabaha aan ka soo sheekaynay caksigooda, waa ku garab taagan yahay waa sama ka talis, iyo gargaar fidiye.
Haddaba sidee la isaga celin karaa cadowga ?
Waa fududahay, waana midnimo waana midda uu Alle uu naga dalbaday, waxa uuna noo sheegay in haddii aan midowno na ilaalinayo, Isagana (Allaah) noo sheegay inaan u diyaar garowno cadowgeena wixii aan awoodno, cadow hub haddii uu yahay inaan hub u diyaarsano intii aan awoodno, cadow saxaafad haddii uu yahay inaan saxaafad ugu diyar garowno, cadow af haddii uu yahay af tahanno u diyaarino, micnaha cadow walba difaaciisa loo diyaariyo, laakiin kaliya haddii aan ku hallayno diinteena, dalkeena iyo dadkeena dowladda kaliya ama cid kale oo gaar ah waxaad ogaataan shacabow in sida la doono nalaga yeelayo, noqo mid ka hortaga dulmi wadaha, una gargaar midka la dulminayo, haddii aadan ka hortagi karin dulmiga ugu yaraan ha u sacaba tumin haddii aan daciif nahay xooggeena waxa uu ku jiraa midnimo. Cadowga luuqadda kaliya uu yaqaano waa iska dhicin iyo iska difaacid. Goorwalba iyo goob walba waa inaan u hiilinaa diinteena, dalkeena iyo dadkeena sida ugu wanaagsan uguna macquulsan.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments