LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

La Imow Fikrad Nafac Leh Si Ay Kuu Bisho…

La imow fikrad, waayo qof walba oo insaan ah waxa uu noqonayaa waxa uu ku fekerayo, qofka inuu fikrad la yimaadana waa wax aad muhiim u ah, waxaana og nahay in qofka marka hore uu helo fikrad dabadeed uu u beddelo mashruuc ka dib uu ku dhaqaaqo dulinta fikraddaasi, inaad ahaatid qof ku nool fikrad qof kale waxaa ka wanaagsan in aad ku noolaatid fikradda aad adiga la timid. Fikradda aad la timaaday waxaa habboon in aad ka yeeshid fikraddaasi noloshaada oo aad aamintid oo noloshaadana ay ka qaadato boos sare, kana fekerto marka aad seexanayso iyo marka aad soo toosto haka guuxdo fikraddaasi had iyo jeer madaxaaga, kana fekertid dariiqada ugu wanaagsan oo markaasi ku siinaysa soocni sare ee noloshaada ah, fikraddaasi ha ahaato neefta aad neefsanayso, daqiiqad kastana ka fekerto, fikraddaasi ha noqoto mid bilaysa naftaada, dadka hareerahaaga ah, mujtamacaaga iyo dhammaan mujtamacyada kal.

 

Hubka ugu weyn aad kula dagaalami karto walwalka ayaa waxa uu yahay kartideena aan ku doorano hal fikrad si aan ugu guulaysano waxaan rabno. Hal fikrad oo yar oo naxariis yar ku jirta ayaa ka qiime badan inaad raadiso lacag tira badan. Fikrad wanaagsan ayaa waxa ay tahay in ay kaa yeesho in aad ku noolaato nolol farxad iyo reyreyn leh, isku day xitaa ugu yaraan hal qof inaad ka farxiso maalin walin walba, haddii aadan sameyn karin ficil naxariis leh ugu yaraan si naxariis leh u hadal, haddii aadan ku hadli karin hadal naxariis leh ku feker fikrad naxariis leh oo aad ku dhaqaaqdo fulinteeda. Haku mashquulin wakhtigana haku lumin fikrad ma dhalays ah oo aadan waxba ka faa’iideynin adiga iyo inta kugu xeeranba. Qof walba oo anaga naga mid ah waxa uu leeyahay aragti ku salaysan samaam ama xumaan, dadka waa inaan ku boorinaa si ay hore ugu dhaqaaqaan, kana yeelno in ay ka fekeraan wax wanaagsan, qof walibana waxa uu leeyahay fikraddiisa u gaarka ah haku salaysnaato wanaag ama xumaan, waase inaan raacnaa midda wanaagsan oo la dagaalannaa fikradaha xumaanta xambaarsan, waayo qofka ayey dhibaysaa dadka ka hor.

 

Ka yeel fikradda aad qaadanayso mid aad ku fekertid goor walba, subax iyo habeen duhur iyo casar iyo wakhtiyada oo dhan, kuna riyoow had iyo goor adiga oo hurda iyo adiga soo jeeda, adiga oo taagan iyo adiga oo fadhiya ku riyoow xaaladkasta aad ku sugan tahay. Haku jirto maskaxdaada oo xusuunow goor walba, marnaba yeysan ka bixin xusuustaada kuna feker goor walba sidii aad mashruuc ugu beddeli lahayd, fikradda ahaato gudaha murqahaaga iyo neerfahaaga iyo dhammaan xubnaha kala duwan ee jirkaaga, oo haka buuxsanto naftaada, shakhsiyaddaada, ruuxaaga iyo weliba nefta aad qaadanayso, xooggana saar fikraddaasi oo gees iskaga riix fikradaha kale ee gurracan ama ma dhalayska oo saacad walba kugu soo maaxanaysa, middaasi kaliya diiradda saar, waana middan waddada najaaxa..

Qore : Maxamed Cali Juxaa

Post a Comment

0 Comments