LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Islaamka Waa Nidaam Dhamaystiran Ee Maaha Shan Cibaadood Kaliya



In badan oo mujtamceena ka mid ah waxa ay aaminsan yihiin in Diinteena Islaamka ay tahay diin ku kooban shan cibaadood oo shacaa’iri ah, sida shadaada salaadda, soonka, sakada, iyo xajka, kuwan waxaa loo yaqaanaa shanta tiir ee Islaamka, hayeeshee diinteena waa diin ku dhamaystiran dhammaan nidaamyada. Nidaamyadan ayaa waxa uu ka bilaabanayaa nidaamka xiriirka jirkaaga ilaa uu ku gaaro nidaamka xiriirka caalamiga ah. Waxaa uu kuu nidaaminayaa sida aad jirkaaga uala tacaamuli lahayd, sida xubnahaaga jirka u ilaashan lahayd, sida aad ugu dadaali lahayd caafimaad qabka xubnaha jirka, waxa uu kuu nidaaminayaa cuntooyinka jirkaaga u baahan yahay faa’iidadana u leh, waxa jirkaaga jirkaaga dhibaya, waxyaabaha waajibka iyo daruuriga ah ee aad cuntid iyo waxyaabaha waajibka ahaynin inaad cunto. Fiitamiinada aad u baahan tahay iyo meelaha aad ka helayso, macaadinta uu jirkaaga u baahan yahay iyo meelaha aad ka helayso. Waxa uu ku barayaa qaabka wada shaqeynta,  iyo iskaashiga ka dhexeeaya jirka xubnihiisa, gaar ahaan nidaamka habdhiska dheefshiidka, nidaamka habdhiska neerfaha, nidaamka habdhiska lafaha, nidaamka habdhiska dhiig wareegga, nidaamka neefsashada, xubin walba oo jirkaaga ah waxa uu u qeybsan yahay oo u qaabilsan yahay.

Diintan waxa ay ku baraysaa oo kuu nidaaminaysaa arrimaha ijtimaaciga ah, sida guurka, xiriirka arrimaha bulshada, waxa waxtarka u leh mujtamaca, waxa dhibaya, waxa ay waajib tahay inuu mujtamaca ka fogaado, iyo waxyaabaha loo baahan yahay inuu ku dadaalo, qaabka guurka uu u dhacayo sida la isku guursanayo, cidda is guursanaysa, sababta la isku guursanayo, faa’iidada guurka, qaabka wada noolaanshaha labada lamaana isku ah, labada isla dhalatay, labada is dhashay, arrimaha dhaxalka, arrimaha agoonta, arrimaha qoyska arrimaha haweenka, xuquuqda haweenka, arrimaha dhallinyarada, arrimaha caruurta, arrimaha waayeelka, qaabka la isku salaamo, qaabka martigelinta, qaabka iskaashiga, sida wax loo kala iibsado, marka aad wax iibinayso, marka aad wa soo iibsanayo, nidaamka suuqyada iyo qaabka wada noolaanshaha iyo wax wada qabsiga bulshada.

Waxa ay kuu nidaaminaysaa arimaha qoyska, sida aad ula dhaqmayso carruurtaada iyo tarbiyeyntooda, sida aad ula tacaamulaysid xaaskaaga, ixtiraamkeeda, waanjinteeda, jaceylkeeda, qaddairinteeda, kalsoonideeda, karaameynteeda, xuquuqdeeda, xoriyaddeeda iyo sharafteeda, waxyaabaha asaaska u ah iyo waxyaabaha adkeeya xiriirka qoyska, qaabka aad ula dhaqmayso waalidkaaga, gaar ahaan hooyada, xaqa ay ka mudan tahay mucaamalada ay kaa mudan tahay, sida aad ula hadlayso, qaabka aad ula tacaamulayso, qaabka aad u raali gelinayso, waxa ay kuu nidaaminaysaa qaabkii ay kugu soo koriyeen oo kugu soo barbaariyeen waalidkaaga iyo qaabkii aad ku barbarbaarin lahayd kuna tarbiyeyn lahayd awlaaddaada.

Diintan waxay kuu nidaaminaysaa arrimaha waxbarashada iyo tacliinta noloshaada aad u baahan tahay waxa ay kuu ifinaysaa kuuna sharraxaysaa qaabka aad ku gaaraysid iyo waddada aad u mareyso waxbarashadaaada, waxay kuu nidaaminaysaa arrimaha caafimaadka, beeraha, iyo dhamaan waxyaabaha muhiimka ah iyo tafaasiisha aad u baahan tahay noloshaada. Waxay kuu nidaaminaysaa arrimaha ganacsiga, qaabka ganacsiga, waxa laga ganacsanayo, sida loo ganacsanayo, sida loo kala faa’iidayo, waxyaabaha waajibka ah ee laga fogaado iyo waxyaabaha waajibka ah iyo daruuriga ah inaad sameyso, waxyaabaha mamnuuca ah iyo waxyaabaha masmuuxa ah, diintan waa diin dhammaystiran ee ha moodin in ay tahay mid xoogga iyo diiradda saareysa waxyaabaha cayiman.

Sidoo kale diinteena suubban waxa ay noo nidaaminaysaan xiriirka caalamiga ah, qaab aan ula dhaqmayno waddamada jiiraanka ah iyo istiraatiijiyadda lagula dhaqmo, sida aan iskaashi ula yeelan lahayn ummadaha kale, waxa ay nidaaminaysaa siyaasadda, iyo caddaaladda, arrimaha gudaha iyo dibadda, waxa ay dhowrtaa, xakamaysaa, la socotaa, diiradda saartaa mabaadii’da ku salaysan iskaashiga iyo waxwada qabsiga. Waa diin ku dhammaystiran waxwalba oo u baahan yahay insaanka. Haddii ay jiraan dad ku andacoonaya in la kala saaro diinta iyo siyaasadda kuwaasi waa kuwa aan sinnaba u fahamsanayn diintan waxay tahay iyo qiimaha ay u leedahahay mujtamaca iyo guud ahaan bashariyadda iyo insaaniyada, waxaana ku boorinayaa in ay bartaan marka hore ka hor inta aysan ku soo dhiiran in ay wax kaasheegaan, waa diin aan qofna awood u yeelan karin inuu wax ku siyaadiyo waxna ku nusqaamiyo, waa diin Ilaahay soo dejiyey, soo dejin kaliya kuma ekaanine ee wuu ilaashanayaa, qofkii wax ka sheega waa uu noqonayaa qashin qubka taariikhda taariikhda, sida aan in badan soo aragnay ama taariikhdooda aan soo akhrinaya, qofkii u hiiliyana islamarkaana ku dadaala inuu ku dhaqmo mabaaddii’deeda waxa uu noqonayaa midka ugu naajaxsan caalamkan miraheedana waa guranayaa xitaa haddii uusan ahaynin muslim. hayeeshee haddii aad diinta u fahamto arrimo shakhsiyeed ama cibaadaad shacaa’iri ah ayaa waxaad ahaanaysaa qof aan waxba ka ogaynin oo u baahan inuu u kuur galo barashadeeda iyo fahamkeeda. Ummaddeedanana waxaan ku boorinayaan in ay bartaan diintan qiimaha weyn leh islamarkaana fahmaan waxyaabaha ay dalbanayso inaan u qabano . fursad ha siinin kuwa aan fahamsanayn islamarkaana aqoonin diintan laga soo dejiyey toddaba samo dushooda. Hana ka welwelin diintan waayo Allah ayaa soo degsaday Isaga ayaa ilaashanaya ee waxaa lagaa rabaa inaad baratid waayo waa ammar toos ah oo Alle ku amrayo intii aad awooddid, adeege u noqo diintaada oo gaarsii cidda aad gaarsiin karto, isticmaalna qaabka aad ku gaarsiin karo iyo dadka aad gaarsiin karto, hayeeshee isticmaal qaabka ugu wanaagsan iyo xikmadda ugu sarreysa.

 

Post a Comment

0 Comments