LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Haweenku Way Sharfan Yihiin Sharaf Ayeyna Naga Mudan Yihiin..



 

Maalmahan waxaa laga hadlaa mowduuc in badan bulshada noocyadeeda kala duwan muran weyn ka dhex dhaliyey, arrintan ayaa waxaan rabaa inaan ku waajaho qaab ijtimaaci ah, qaab diini ah, qaab cilmi ah qaab caqli ah, qaan mandhiq ah, iyo qaab icjaas ah, inkasta oo mowduucu dheer yahay haddana waa baaritaan cilmiyeysan iskuna day inaad dhamaysato akhrintiisa.

 

Ijtimaaci ahaan

 

Hablaheena waa hablo sharaf badan, waxaanaa loo sharfay si dhammaystiran, Islaamkana waxa uu Alle  siiyey xuquuq iyo xaroiyad taam ah, in ay haweenka sameeyaan waxyaabaha ay doonaan gaar ahaan jimicsiga waa wax wanaagsan marka loo raacayo mabaadii’da ku salaysan qiyamka iyo akhlaaqda wanaagsan, marka hore wixii raad mustaqbal aan sameynaynin waa micna darro ama lagwi, cayaarahana marba haddii la yiri cayaar micnaha wax micna ah ee ay soo siyaadinayso ma jiraan waayo iyada ayaaba cayaar ah, dad badan ayaa waxa ay si khalad u fahmeen xoriyadda haweenka, Fahamka guud ee xoriyadda haweenka : waa in qofka qaataa go’aamadiisa, noloshiisa sameysto iyo mustaqbalkiisa iyada oo aan jirin wax cadaadis ah maaddi ahaan iyo macnawi ahaan, qofka inuu noqdo qofka go’aankiisa leh midka koowaad iyo midka ugu dambeeyaba, waana qofka qudhiisu is xukumaa una khaas yahay qaraaradiisa. Iyada oo sidaasi jirto haddana inaad ku xad gudubtid qofka kale xoriyaddiisa maaha micnaha xoriyad, micnaha xoriyadda maaha inaad sameyso waxaad doonto, sidoo kale waa inaad ixtiraamtaa xoriyadda dadka kale, tusaale ahaan waxaad tahay sigaaryacab, dadka dhexdiisa ayaad sigaar ku cabtay adiga oo kaa dhaadhacsan inaad xor tahay, micnaha taasi xoriyad maaha ee waa xad gudub, xor ayaa tahay laakiin haddana dadka kale xoriyaddooda ayaa ku xadgudubtay oo iyagu markaasi dhibsanaya sigaarka in lagu ag cabo. Haweeneyda in ay jimicsi sameyso waa go’aankeeda laakiin in ay ku sameyso meel iyada u khaas ah, maadaama mujtamacan qiyam iyo akhlaaq u gaar ah leeyahay waa inaad qaddarisaa sidoo kale xoriyaddooda sida adigaba loo qaddariyay xorriyaddaada, wax asalkiisa cayaar ah inaad u burburiso qiyamka iyo akhlaada ummaddana waa wax aan isku dheelitirnayn, inaad cayaarto oran maayo waayo waaba cayaar micna weyn ma soo siyaadinayso ee waxaan dhahayaa inaad jimicsato waa wax faa’iido u leh jirkaaga iyo caafimaadkaaga, balse ragga hortooda maaha iyada oo haddana fitnooyinkaagu muuqdaan, waayo waxaad ku xadgudbaysaa dareemayaasha ragga, middaasina way noo imaan doontaa iyada oo faahfaahsan micnaha qaabka aad ugu xadgudbayso dareemayaasha ragga. Haddii ay tahay sheekaduse tahay xor baan dadka caalamka ayaan la jaanqaadayaa, haddii dadka caalamka god dhurwaa ay galaan maka daba galaysaa ? toban qof oo ka kooban labada koox ciyaaraysa ayaa waxaa lagu kharibayaa kumanaan dhallinyaro oo guur doon ah oo shaashadaha ka daawaysa, qaabka anaga u fekerayno ayaa malyuun jeer ka weyn hadafka laga leeyahay.

 

Wax ka sheegga culimada.

 

Culimada in wax laga sheego ama lagu xadgudbo waxa ay la mid tahay in lagu xadgudbay oo wax laga sheegay diintan suuban, waayo culimada waa farriinsidayaasha ummaddan,waan dhaxaltooyada ambiyada, dadka intooda badanna waxa ay ku dhacayaan dabinka kuwa diintan u maleegaya shirqoolada, intaasina waxaa si dheer in laba shimbirood hal dhagax ay ku dilayaan, micnaha in nalagu soo weeraro dumarkeena oo qaarkood laga soo dhaadhciyey xoriyad been ah, marka ay dadka ka hadlaana gaar ahaan culimada in halkaasi ay ka bilaabato wax ka sheegga culimada, halkaasina ay ka baxdo kalsoonidii ummadda ay ku qabeen culimadooda, iyada oo haddana in badan oo ummaddeena u sacaba tuma wax ka sheegga culimada ama qaarkoodna ku dhiiradaan in ay wax ka sheegeen, sidaa ayuuna ku hirgalay damaca cadowga ee diintanyeen, hadda weerarku waxa uu ku socdaa dadka diintan u nasab sheegta, waxaana maqlnaa, culimadu waxaasi iyo waxaasi maxay uga hadli waayeen markii ay waxaan iyo waxaan ka hadlayaan, arrintu sidaasi maaha ee waxaa jira waxyaaba badan aadan fahamsanayn ee haku dhicin dabinka cadowga, haddii aadan xaqa ka hadli karin baaddilka ha u sacaba tumin.

 

Maxaa dumarkeena loo isticmaalayaa ?

 

Waxaa nagu socda weerar dhan kasta qiyamkeena iyo akhlaaqdeena ayaa lala dirirayaa, waxaa la soo burburiyey dowladnimadeenii, waxa la burburiyey waddankeenii, waxaa la burburiyey midnamadeenii, waxaa la burburiyey dhaqaalaheenii, waxaa la burburiyay nidaamkeenii waxbarasho waxaa la burburiyey mujtamaceenii oo meesha laga saaray isku xirnaantii iyo iskaashigii bulsho, iyada oo markaasi la adeegsanayo dariiqad kasta oo lidata, heer xitaa waxaan maraynaa maanta in laba walaala ah kursi isku qabsadaan oo xitaa ay dhici karto in kursigaasi dartiisa isku dilaan, markii dhan walba weerar dhan walba ah nalagu soo qaaday, ayaa haddana la bilaabay in nalaga soo soo weeraro qiyamkeena, akhlaaqdeena iyo culimadeena dhankooda, iyada oo loo adeegsanayo dumarkeena iyada oo lagu qeylinayo xuquuqda haweenka, koontada haweenka, xoriyadda haweenka, dimoqraadiyadda haweenka, waxaadba mooddaaba in waddankeena uu ka jiro is addoonsi dhanka dumarka ah, micnaha dumarka suuqa lagu iibinayo lana iibsanayo haweenka waa hooyooyinkeena, waa walaalaheena, waa gabdhaheena, waa xaasaskeena waxayna naga mudan yihiin xushmad, xurmad, ixtiraam, xuquuq, daryeel, badbaado, iyo waxwalba ay u baahan yihiin, markii la ogaaday intaasi oo dhan oo isku xirnaansho iyo iskaashi ah waxaa la damacsan yahay haddana in cadowtooyo la dhex dhigo ragga iyo dumarka, haddana waxaa la ogaaday inaan u jilicsan nahay dhanka haweenka, haddana jilicsanaantaasi ayaa waxaa looga faa’iideysanayaa in fasahaad la inoo horseedo, haddaba sidee ayey taasi ku dhacaysaa ? Way noo imaan doontaa. Cadowga waxa uu ogaaday in ay dumarku jilicsan yihiin waxna dhaqsa looga dhaadhicin karo, anagana aan dumarka u jilicsan nahay oo aynaan ka hor imaan karin, waayo haweenayda waxay leedahay xasaanad dabiici ah.

 

Aragga Oo Laga Laabo Dumarka Cilmi ahaan, diin ahaan iyo caafimaad ahaan

 

Marka hore Allah ayaa waxa uu ku yiri Suuratul Nuur : “MU’MINIINTA HA LAABEEN ARAGGOODA OO HA XAFIDEEN FARJIGOODA, SIDAASI AYAA U DAAHIRNIMO BADAN” daahirnimada meeshan ayaa waxa ay tahay ugu daahirsan, ugu wanaagsan uguna anfac badan, Rasuulkeenana SCW waxa uu yiri : “Eegmada waa mid ka mid ah fallaaraha ibliisa, qofka uga taga Alla ka cabsi Allaah ayaa ku sugaya iimaan oo macaankiisa ka helayo qalbigiis”. fallaarta haddii ay gasho jirka waxay keenaysaa dhaawac goob cayiman, hayeeshee haddii ay fallaartu sumaysan tahay sunta waxa ay ku soconaysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee jirka halkaasina ku saaqeyso oo meel walba gaarayso, Nebigeenana SCW waxa uu noo sheegay in ka badan 14 qarni ka hor arrintan in eegmada eegmada kale sii raacdo, eegmadu khaladka ahi waxa ay la mid tahay adiga oo riixay keebka xabbadda sii daysa, sababteedana waxaa bilaabanaysa silsilad falgal jirka gudihiisa waxaa howl galaya hormoonada u qaabilsan kacsiga oo markaasi adag tahay la fahmo. Hormoonadan ayaa waxa ay reebayaan raad oo markaasi ku reebayaan dhammaan xubnaha jirka ama aan dhaho unugyada jirka, middaasi oo jirka u gogol xaaraya in uu meesha ka dhaco xiriirada galmada, waxyaabahan oo dhan waxa ay dhacayaan wakhti xaddidan, hayeeshee haddii ay sii socoto faraha ka qaadidda hormoonadan ee jirka iyada oo jirka laga saarin waxyaabaha keenay kacsiga jirka ayaa waxa ay ku reebaysaa dhib aad khatar u ah oo ka dhacaya jirka.

Cilmi baaris la sameeyey in ka badan 20 sano ka hor waxaa la gaaray natiija ah in hormoonadan ay dhex maryaan xididdada jirka ee dhiigga mara waxayna ku wareegaysanayaan jirka insaanka oo markaasi araggiisa ku sii daayey waxa xaraamta ka ah maalintii oo dhan. Nebigeena SCW waa naga reebay inaan eegmada la raacno, waxa uu reebay haweenayda is qurxisa si ay u soo jeediso aragga ragga, in haweenayda marka ay gurigeeda ka soo baxayso isa soo barfuumayso, waxa uu reebay in haweenay lala kaliyoobo qof ajanabi ka ah oo geeya, waxa uu reemabay in haweenayda gacan qaaddo nin geeya, iyo waxa uu reebay in haweenayda laga hor istaago firaashka saygeeda.

 

Haddaba maxaa dhacaya ?

 

Marka hore waxaa soo muuqanaya ur aad u daran oo jirka ah iyo labada cagaood oo markaasi keenaya wareegga uu jirka ku sameeyey fallaarahan sumaysan maalintii oo dhan iyada oo markaasi ugu wacan tahay arragga uu markaasi lala raacay haweenayda, majaladihii uu ka daawaday haweenkii qaawanaa, ama telefishanka uu ka arkay fitnooyinka haweenayda oo muuqda iyada oo ay ugu wacan tahay dharka jirkeeda ku dheggen, filimkii galmada ahaa uu daawaday, iyo daaweenka bar isa soo qaawiyey ama gebi ahaanba. Haddaba wareeggan ayaa waxa uu keenayaa in wareegga hormoonka uu meereysto maalintii oo dhan islammarkaana siyaado is fidinta wareegga kiimikada ee jirka gudihiisa ah.hormoonaadka galmada u qaabilsanaa ayaa si weyn u siyaadaya, middanna waxaa lagu magacaabaa sunta ka badatay tiradii loogu tala galay oo xaddidnaa, sidoo kale waxaa siyaadaya sii deynta dheecaanada galmada ee jirka gudihiisa ah, ka dib qofka waxa uu u baahanayaa inuu sameeyo galmo, haddii uu xaas leeyahay garanay, haddii uusan xaas lahaynin maxaa dhacaya ? Mujtamaca Galbeedka haddii dareemayaashiisa galmood ay kacaan waxa uu galmood la sameynayaa haweenaydii uu doono, hayeeshee mujtamaca muslimka ah waxaa lagu amrayo inuu araggiisa laabo oo uusan ku sii deynin haweenayda, sidaana ay dantiisa ku jirto, micnaha halkaasi hadafka laga leeyahay ayaa waxa ay tahay mujtamaca dhexdiisa fasahaadka ku bato, haddii fasahaadka batana natiijadiisa waa macruuf. Midda labaad ayaa waxa ay tahay ballaarashada daloolada qanjirada cirqi ahaan iyo dux ahaan ee qoobka micnaha meesha ugu hooseysa cagaha ee dhanka dambe, middanna waxa ay keentaa bawaasiir. Waxaa fidsamaya daldaloolka duxda ah, middana waxa ay keentaa fin qooqa waxa loo yaqaano iyada oo ay ugu wacan tahay wareegga hormoonada.

 

Hormoonaadka galmada oo iyagu ah sida sunta, hoosna u dhigaya biyabaxa si dhexdhexaad ah isagana waxa uu sababa cudurka la yiraahdo (Migraine Headache) oo ah madax xanuun bar ah, bar madaxa ah ayaa ku xanuunaya, cudurkan ayaan lahaynin wax daawo ah ilaa hadda. Balse sheyga cabsida leh ayaa waxa uu yahay xanuunka kalagoysyada oo xitaa dhici karto inuu weynaado, waxa uuna inta badan ku dhacaa xanuunkan sida kalagayska qoobka ama kalagoyska misigta iyo laf dhabarta isku xira. Waxaana soo muuqanaysa inuu yaraado oo hoos u dhaco dareeraha kalagoysyada oo loo yaqaan “Synovial fluid” middanna waxay keenaysaa qaleyl ku yimaada dareerahan ka dibna lafaha bilaabaan islis halkaana ku yimaad xanuun dhanka kalagoysyada ah oo aad u daran. Marka aan u imaadno dhanka qalbiga iyo halbowlayaasha dhiigga, soo socoshada hormoonadan ee jirka gudihiisa ah waxa uu sababaa garaaca wadnaha oo hoos u dhaca iyo gaabis ku yimaada habdhiska dhiig wareegga. Ka dib suntan waxay ay sababaysaa xinjirow dux ah ee meel cayiman ka dhacaysa. Raadka kale ee ay reebayso ayaa waxaa ka mid ah dhacdadan ballaarashada qanjirka loo yaqaan prostate. Waxyaabaha. Allah haddii wax naga reebo, ama Rasuulkiisa wax naga reebo waxaa ku jirta xikmad aad u ballaaran, waayo Allaah waa abuuraha bani aadanka cid uga xog ogaalsanna ma jirto.

 

Marka cadowga diinta iyo Islaamka waxa uu ogaaday in halkaasi fursadi ka bannaan tahay, ayna habboon tahay in laga faa’iideysto, sidaa darteed haku dhicin dabinka cadowga, ka hadalka shey aadan aqoon u lahaynin waxay kuu keenaysaa dhib aan laga soo kabsan karin iyo qoomamo joogta, diintan wax waa laga qaadi waayey tan iyo markii ay soo degtay, hayeeshee hadda hadafka waxa uu yahay dadka diinta u nasab sheegta ee ha noqon dhibbana la isticmaalay, wacyigaagana ha baraarugsanaado.

 

Diyaariye : Maxamed Cali Juxaa 

Post a Comment

0 Comments