Gabayada caan baxay ee laga mariyey dagaalkii Ruuga [ee dhacay 9kii bishii tobnaad,1913, kana dahacay dacalada buurta Dulmadoobe, laguna halligay Richard Corfeild (amaba Koofil) oo kamid ahaa madaxdii ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya] ayaa waxaa kamid ahaa gabaygii Ismaaciil Mire (AUN) ee ahaa, “Annagoo Taleex naal Jihaad taladi soo qaadnay.”
Ismaaciil markii uu libintii dagaalkaas ula hoyday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, ayuu Sayid Muxammad (AUN) ka dalbaday in Ismaaciil dadkii xarunta dhoobnaa uga waramo sida dagaalkaa loo abaabulay loona soo afjaray.
Ismaaciil Mire (AUN) waxa uu Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran.
1. Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay *
2. Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora
3. Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay
4. Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi
5. Illaahay ha’ tabantaabiyee, ducada noo tuumi
6. Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine
7. Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
8. Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
9. Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
10. Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay
11. Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay
12. Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay
13. Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay
14. Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay
15. Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi
16. Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay
17. Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay
18. Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage
19. Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray
20. Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay
21. Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday
22. Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari
23. Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe
24. Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay
25. Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay
26. Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela
27. Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore
28. Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase
29. Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay
30. Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
31. Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay
32. Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday
33. Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle
34. Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka
35. Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay
36. Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
38. Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
39. Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay
40. Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo
41. Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey
42. Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda
43. Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
44. Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto
45. Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne
46. Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye
47. Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e
48. Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye
49. Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere
50. Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
51. Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye
52. Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
53. Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye
54. Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo
Sida idiinka muuqata meerisyadan kore, Ismaaciil waxa uu gabaygiisaa raacsiiyey wadiiqo toosan oo hoos illaa iyo kor weecweecad aan lahayn. Waxaad markaad si fiican u dhuuxdo gabaygan isleedahay waa mid loola tagey qalin sidii ruux curis sare qoraya oo kale, waayo waxaad ku dhex arkaysaa tixdan: Gogoldhig, ubuc iyo gebogebo.
—
Mar** uu Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, “Muuse Galaal,” la kaftamayey dhalinyaro meel wada fadhidday oo uu weheliyo Cabdisalaan Xaaji Aadan (AUN), ayaa waxaa afkiisa laga hayaa inuu yidhi, “Rag waa raggii hore,hadalna waa intuu yidhi (reebay).” Hadalkaa murtida ah dood ayuu dhalinyaradii ka dhex aloosay, waxa uuna ugu dambayntii Muuse Galaal (AUN) tiriyey gabaygaa Ismaaciil Mire (AUN), isaga oo muujinaya in ruuxna gabaygaa haatan marin karin, oo ragga maanta joogaayi askumidda sheekooyinku ku yartahay.
Cabdisalaan (AUN) markaa waxa uu helay fursad uu dooddaa isna kaga warceliyo, waxa uuna tiriyey gabayga “Togga Herer” oo aad u caan baxay. Gabaygan waxa uu Cabdisalaan kaga waramay xaalka dhalinyarada barisamaadka joogtay ku sugantahay, waxa uuna u soo tebiyey, isaga oo tixraacaya gabaygaa Ismaaciil—balse dulucdu kala fogtahay—sidatan:
1. Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto ***
2. Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye
3. Anigiyo toddoba aan ku jirey tumasho soo qaadnay
4. Rag tabaabushuu leeyahaye wax istusaalaynay
5. Labo tubaha soo kala cayima hore u sii tuurray
6. Ayaguna tusmada warkay sideen nooga tibixsiiye
7. Togwajaale qaadkii ka yimid tacab u soo miirnay
8. Markay laba tobnaad noo xireen toobiyaha qaadnay
9. Tagsi lagama maarmee nin wadey suuqa nagu tooci
10. Tilmaan-quruxsantii lala ballamay saani ugu toosnay
11. Tubtii horeba boqol jaatifaa teybalka u saarray
12. Barkimooyinkii teedsanaa suxul ku taageerray
13. Nin waliba halkuu soo turqaday garabka soo tiiri
14. Isagoo falaas laga tif tiray laysu tebi shaaha
15. Nin waliba tankiisii haraaq tiilley ugu laabnay
16. Kaftan aan turxaan lagu ogeyn la isku tuurtuurye
17. Laba aad turkiga mooddid oo tikhilka naagooda
18. lyo laba tiftirihii jannada lagu tilmaamaayo
19. Iyo laba wax layskama tirshee sida tiriiggaasa
20. lyo taan lahaan jirey markaan tumasho soo qaado
21. Intaasoo xarrago tiicayoo temeshle luudaysa
22. Oo toobab noo soo xidhay oo tal iya xiisaan leh
23. Oo timaha soo firay salaan gacanta soo taagel
24. Annaguna hablaha kama tagnee geerish ugu taagnay
25. Heesaha rag baw tamar galee kuwii tiriyey soo qaadnay
26. Alla-tiirigii heesi jirey noogu tacab sawdka
27. Tiiraanyo qaylshihii rabaab faraha taabsiiye
28. Kaman talalaxleeyiyo durbaan tininigtii yeedhay
29. Annaguna tustuurtay lahayd sacabka tiitaynay.
30. Goortay cabbaar naga tumeen tegis u qoontayste
31. Sheekadu hablahay noo taxnayd togannay haasaawe
32. Hadal tooxanoo hoos u teyan la isku taataabay
33. Siduu teyse roob nagu onkoday taaha ku caweyney
34. Rag takooran baa nagu jiree tabaha qaar diidnay
35. in kastoy taftuba noo dhoweyd teedka sharaf eegnay
36. Talantaalli labadii gacmood tahan isweydaarte
37. Warmihii tumaatiga adkaa tiirka qabadsiinnay
38. Waan taag darreeyaa haddaan taabto geedkaba’e
39. Habeenkaa ninkii tamar lahaa taxay murqaankiisa
0 Comments