LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Eedeynta Dadka Waa Raaligelinta Naftaada



Dadka waxaa ku badan in ay la soo deg degaan dhalleeceynta iyo eedeynta, qof walba oo dadka ka mid ah waxa uu leeyahay waxyaaba uu ku xoog badan yahay iyo waxyaaba uu daciif ka yahay, daciifnimada waxa ay ka mid tahay tilmaamaha uu leeyahay insaanka Abuurihiisa ayaana sidaa ku abuuray, sidoo kale waxyaabaha dadlka dabeecadahooda ka mid ah ayaa waxaa mid ah deg degga, iyadana waxa ay ka mid tahay tilmaamaha insaanka ku abuuran. Maadaama qofka uu yahay daciif, marka waxaa lama huraan ah inuu khalad ku dhaco, marka qofka uu khalad ku dhaco maaha in lagu eedeeyo ama lagu dhalleeceeyo, halkii laga dhalleeceyn lahaa ama la eedeyn lahaa waxaa loo baahan yahay in la gacan qabto inuusan mar kale uusan ku khladamin isla khaladkii uu ku dhacay, waayo middaasi ayaa u wanaagsan halkii laga dhalleeceyn lahaa ma laga eedeyn lahaa, adiga eedeynta iyo dhalleeceynta agtaada waxa ay ka tahay wax fudud oo afka barkiisa soo mara carrabkana u sacaba tuma, halkii laga eedeyn lahaa ama laga dhaleeceyn lahaa waxaa ka wanaagsan in la isku dayo in la fahmo sababta uu sidaa u sameeyey gaar ahaan waxa ama khaladka uu sameeyey oo lagu eedeynayo ama lagu dhalleeceynayo.

Badanaa nolosha waxaa dhaca waxyaaba badan oo kala duwan, haddana waxaan dhalleeceynaa dadka kale sababta ay nooga farxin waayeen ama noo qancin waayeen gaar ahaan waxyaabaha an doonayno in la inoo fuliyo, hayeeshee muhiimaddu waxa ay tahay dhammaan waxaan leenahay waxyaaba aan doorano, haddana waxaan ka yeelnaa waxyaabaha aan doorano inaan aqbalsiino dadka ama xaaladaha markaasi jira. Marka si kasta oo ay ahaato dadka ma joojinayaan dhalleeceynta iyo eedeynta waayo inta badan insaanka ma qanco lamana qancin karo, qancinta dadkana waa yool aan la gaari karin, haddii aad isku daydo inaad qancisid dadka oo dhan adiga ayaa khasaaraya, waayo ma qancin kartid, haddii aad tiraahdana dadka waxay doonaan ayaan u sameynayaa ee ha iga daayaan eedeynta iyo dhalleecenta iyada waa yool kale aan la gaari karin.

Iyada oo ay sidaasi jirto waxaa jira dad markaasi ku mashquulsan dabakaca khaladaadka qofka mana wanaagsan in aad ku xeel dheeraato eedeynta iyo dhalleeceynta dadka kale. Nolosha waa miraha ficilada aad qabato, mana wanaagsan inaad qof dhalleeceyso ama eedeyso waayo adigaba waxaad leedahahay wax lagugu dhalleeceeyo mana jiro qof ceeb ka saliim, qof walba ceeb ayuu leeyahay, qofwalbana wuu khaldama, waxaad ogaataa haddii aad ka kalluumaysato ceebaha dadka iyo kahalaadaadkooda adigana waxaa ogaataa in ay jiri doonaan dad ka kalluumaysta ceebahaaga iyo khaladaadkaaga, inta aad dadka kale ku mashquulsan tahay ku mashquul naftaada.

Nebu Muuse ayaa maalin maalmaha waxa uu aad u dhibsaday dhalleeceynt iyo eedeyn badan dadka ka soo gaaraysay, dabadeeda waxa uu u cawday Allah oo uu toos ula hadlay, isagana oo ka cabanaya carrabyada dadka, waxa uuna yiri Allahayow iga qabo carrabyada dadka, markaasi ayaa Allaah ugu jawaabay “Muusow sidee ayaa kuugu sameeyaa wax aanan naftayda ku sameynin ? dadka anigii abuuray ayey maalinwalba wax iga sheegayaan, haddana iskama qaban”. sidaa darteed haku deg degin dhalleeceynta iyo eedeynta halkii aad wax eedeyn lahayd ama dhalleeceyn lahayd isku day inaad ka fahamto qofka sababta keentay waxa lagu eedeynayo, middaasi ayaa ka faa’iido badan kana macquulsan halkii laga eedeyn lahaa, middaana waxa ay keenaysaa is afgarasho, isku soo dhowaansho iyo istixgelin.

Aalaaba aad ayey u fududahay in aan dhalleeceyno dadka kale, waxaan ku bixin kartaa noloshaada oo dhan eedeynta iyo dhalleeceynta caalamka iyo dadka ku nool, hayeeshee guulahaaga iyo guuldarrooyinkaaga idil ahaantooda waa masuuliyaddaada, hana isku dayin dadka ama caalamka ku eedeyso guuldarrooyinka, ka hor inta aadan cidna ku eedeynin guul daradaada xisaabi naftaada oo qaad masuuliyadda dhammaan natiijoooyinka ficiladaada. Hakula murmin dadka dacfigooda, dacfigaagana hala murminin, haddii aad khalad samayso, qiro khaladkaaga, ka dib sax wixii aad khaladay, kana baro khaladkaaga si deg deg ah.

Eedeynta iyo dhalleeceynta oo dhan waa wakhti lumis, muhiim maaha immisa khalad ayaa dadka kale ka  heshay ama iyo inta ay la eg tahay waxyaabaha aan qiimaha lahaynin uu sameeyey qofka kale, adiga ku beddeli mayso, sheyga kaliya ee dhalleeceynta ay sameynayso ayaa waxa ay tahay in aad diiraadda saarto waxyaabaha aad u raadinayso sabab dibadeed si aad u sharraxdo murugadaada niyadjabka leh, waad ku guulaysan kartaa in aad dadka kale ku soo oogto dembi oo ku saabsan shey adiga oo markaasi qofkaasi eedeyn dusha u saarayso, balse ma beddelayso wax walba oo markaasi adiga kugu saabsan, middaasina waxa ay kuu keenaysaa murugo.

Marka aad beerto ansalaato ama salad haddii aysan si wanaagsan u korin ma eedeynayso ansalaatada, waxaad eegi kartaa sababaha aysan si wanaagsan ugu korin, laga yaabee in ay u baahan tahay bacrimin ama biya badan ama qorrax yar, marnaba ha eedeynin ansalaatada, haddii aan mushkilad kala kulanno saaxiibadeena ama qoyskeena, waxaan eed dusha u saarinaynaa qof kale, hayeeshee haddii aan daryeel siino si wanaagsan ayey u korayaan sida ansalaatada oo kale, eedeyntu ama dhallleeceyntu maaha marnaba raad wanaagsan, mana aha wax sameynaya isku dayga qancinta iyada oo la adeegsanayo sabab ama muran, middaasi waa khibraddeyda, ha eedeynin, sababna ha u sameynin, ha murnin, ee isku day inaad fahamto, haddii aad fahamtana muuji in aad fahamtay, waad jeclaan kartaa, xaaladdana way is beddelaysaa.

Eedeynta dadka waa raali gelinta naftaada, u ammaan qofka si xoog leh, hayeeshee si jilicsan u eedey haddiiba aadan ka fursan karin


Qore : Maxamed Cali Juxaa

 

 

Post a Comment

0 Comments