LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dhagarta Sokeeyaha Way Ka Daran Tahay Midda Shisheeyaha..

 


Dhagarta iyo, iyo mu’aamarooyinka uu cadowga waddanka iyo ummadda maaha kuwa istaagaya horena waa ay u socdeen, haddana way socdaan wayna socon doonaan, wakhti kasta iyo saman walba oo la joogo way jirayaan ha ahaadeen cadow sokeeye ama mid shisheeye, maalin walba waxaa la laynayaa wax galkii waddanka iyada oo middaas loo samaynayo dano gaar ah uu cadowga waddanka iyo ummadda u adeegaya, iyada oo ay dhici karto, dhacdayna in la adeegsado dad sokeeye ah maskaxda ka dambaysana ay tahay mid shisheeye, cadowga shisheeyaha marwalba waxa uu adeegsadaa sokeeyaha, waayo shisheeyuhu waa soo qorsheeyaa sokeeyuhuna waa fuliyaa isaga oo markaasi loo soo geliyo jaakad bir ah, loona soo bandhigo ballan qaad been ah, markii danta laga lahaa laga gaaro isaga qudhiisaba la sifeynayo, waayo ninkii waddankiisa iyo ummaddiisa khiyaana, saaxiibkiina uma daahayo cid aaminaysaaye ma jirto, waa sida uu cadowga shisheeyaha aaminsan yahay. Dad badan oo wax gal ah hore ayaa loo soo laayey ha ahaadeen badankoodu kuwa ka soo horjeeday dibindaabyada cadowga, maalin walba way dhimanayaan iyaga oo aaminsan qaddiyadda iimaankooda, waddankooda iyo ummaddooda, waayo middani waxa ay ka mid tahay bixinta qiimaha xoriyadda iyo karaama ku noolaanshaha ummadda. Kooxo ayaa waxa ay rabaan in caalamkan oo dhan ku maamulaan hal far kaliya iyaga oo markaasi adeegsanaya siyaasado guracan, marba waxaa lagu soo gabadaa magacyo iyo sumado hilaacaya oo dananaya marka aad maqashid, marka dadka la dhex imaanayana waxaa la adeegsadaa sumado aad u qurxoon oo dadka dhegahooda iyo indhahooda soo jiidanaya, tusaale Dhowlad Hebel mucaawino ayey keentay, 10 tan oo mucaawino raashin ah ayaa markab lagugu keenayaa 50 tan oo wakhda nuclearkana badda ayaa lagu aasayaa, iyada oo markaasi laga tagayo insaaniyada oo la adeegsanayo cunsuriyad, labadan weji ayey isticmaalaan. Midna waa mid qarsan midka kalana waa midka muuqda, oo qurux lagu soo xardhay, middaan oo aan fahamsanayn dad badan.

Anaga waxaa nalagu mashquuliyey ururo iyo kooxo dana gaar ah u shaqeynaya, kolay waxaa hubaal ah ururada iyo kooxaha aan maalin walba maqalno  inaysan u shaqeyn danaha ummadda iyo waddanka ama diinta, waayo ummaddeena waxa ay u baahan yihiin in ay ku noolaad nabad sida ummadaha caalamka, maalin walbana waa la laayaa ama la barakiciyaa, noloshii ayaa loo quuri layahay intii ku hartay, waddankana uma adeegaan waayo waddanka dhisme iyo hoggaan toosan ayuu u baahan oo u madax bannaan go’aamadiisa iyo waajibaadkiisa, hayeeshee anaga inta badan go’aamadeena waa la inoo yeeriyaa, haddaynaan qaadan go’aamada aan u madax bannaan nahay saaxada waa la inaga saarayaa oo qof kale ayaa la keenayaa  oo go’aamadooda fulinaya, sida in badan aan aragnay. Diintana uma adeegaan waayo diinteena waa diin suuban oo aad u qurux badan aadna u wanaagsan, dadka nolol iyo naxriis bay siisaa, xumaanta way ka reebtaa wanaaggana way dhhirigelisaa, qof insaan ahna in sabab la’aan loo dilo ama loo dhaco ama loo barakiciyana mowqif cad bay ka qaadatay xitaa haddii uu qofkaasi muslim ahaynin, xitaa haddii sababi ay jirto inuu helo maxkamad caadil ah, haddaba kooxahaasi ama ururadaasi maxay sameeyaan ?, cid ay dhaafaan ma jirto, qoyaan iyo qalayl ay isku darsadaan, marka waxaa cad in ay u shaqeeynaan dano dad kale, xitaa tooda uma shaqeystaan, haddana middaa waxaa ka sii daran in ay adeegsadaan dhallinyaradeena iyaga oo ku hiyi kicinayaan durbaan diin ama durbaan qabiil, waayo waxa ay ogaadeen kooxahan meelaha ay ka jilicsan yihiin dhallinyaradeena, oo ka mid tahay jahli baahsan iyo wacyi hooseeya, shaqa la’aan baahsan iyo dakhli xumo noloshooda ah, iyo arrimo kale oo jira, marka dhallintii waxa ay ka dhigteen dhibbanayaal (victims) teeda kale mintidnimada asalkeedu waa macluumaad yari. Marka cadowga haddii uu caadeystay inuu laayo qofkii  wax gal ah, ha u ogaado inay jiraan dad weli diyaar u ah inay u dhintaan iimaankooda waddankooda iyo ummmaddooda dartood.

 

Qore : Maxamed Cali Juxaa.

 

Post a Comment

0 Comments