Waayadan dambe waxaa arganaa kelmado intooda badan aan ka xafidnay dad u badan siyaasiyiin oo ka mid ah “Looma Dhama” “Nama Khusayso” “Waaka Fiirsanaynaa” iyo kuwa kale, hayeeshee “Dantayda Kuma Jirto” Waa oraah in badan ku badan caqliga baadhinka ah, waa jumlad qofka isaga oo aan dareemin ku dhawaaqa, kuna badan mujtamaca dhexdooda, ka dib waxay dhalisaa ama sababtaa inaad qof, koox ama mabda’a sax ah beenisid, bal ila eeg tusaalooyinkan, ka dib wixii aad ku dari karto ku dar.
Insaan haddii uu cunayo xoolo xaraam ah ama maal riba ku timid oo uu soo xaadiro meel lagu hayo dersi ama muxaadaro ka hadlaysa ribada kuma irtaaxayo ama uma riyaaqayo dersigan ama muxaadaradan caqligiisa baadhinka ah ayaa waxa uu dhahayaa arrintan waa laga badbadiyey oo la buunbuuniyey, waa dib dhac, waa wax xaddaaradda aan la jaan qaadi karin, ciriiri is gelin, qofkan dersiga ama qofka muxaadarada jeedinaya waaqaca kuma noola, midkan waa dambeeyaa, waxba ma fahamsana, waa seef la bood, waa wadaad yare, diinta ayaa madax martay IWM.
Haddaba maxaa keenaya dhamaan eedeymahan ? waayo haddii uu rumeeyo ama uu qaato waxa uu ku hadlayo qofkan waxa uu ku kashifmayaa naftiisa hortiisa, si uu markaasi u soo ceshado isku dheel tirnaanta naftiisa, waxa uu samaynayaa inuu beeniyo xaqiiqdan laga hadlayo waayo waxa ay ka soo hor jeeddaa maslaxaddiisa, waana waddada ugu sahlan uu ku soo ceshanayo isku dheelitirnaantiisa, insaanka waxa uu leeyahay caqli baadhin ah, caqligan baadhinka ah waxa uu shaqeynayaa qofka isaga oo aan dareemin oo wacyigiisa maqan yahay, tusaale ahaan waxaad rabtaa inaad iibsataid gaari, qof ayaa waxa uu ku dhahayaa waxaa qaali laga dhigay canshuurta, saxna maaha, qofka isaga oo aan dareemin ayuu beeninayaa warkan, haddaba muxuu u beeninayaa ? sababta oo ah wax uu rabo ayuu ka soo horjeedaa ama ka hor imaanayaa, haddaba adiga marka aad diidayso ama aqbalayso waxaa jira caqli baadhin ah oo shaqeynaya adiga oo aan dareemin, haddaba qofka waxa uu isku dheelitirnaantiisa ku soo ceshanayaa inuu beeniyo ama dhalleeceeyo waxa ka soo horjeedda maslaxaddiisa ama dantiisa khaaska ah. Tusaale kale haddii arday uu gaarsiiyo ardayda kale in macalinka uu siinayo ardayda su’aalaha imtixaanka qofkii lacag dhiiba, ka hor imtixaanka isbuuc ardaygii sidaasi maqlay waxbarashadii waa ka tagay waayo waxa uu xaqiijiyey isku isku dheelitirnaan dhib yar oo ah inuu lacag dhiibo oo su’aalaha uu qaato uu ka jawaabo ka dibna uu sidaa ku najaxo isaga oo aan bixinin wax dadaal ah, haddii wakhtigii la gaaro uu u yimaado macalinkii uu iska dhaadhiciyey inuu su’aalaha siinayo uu ceyriyo kuna qeyliyo oo si adagna ula hadlo, muxuu samaynayaa ? dabcan wey caddahay dhammaan eedeymaha waxa uu dusha u saarinayaa macalinka, khaladkiisana waxa uu huwinayaa macalinka isagana waa iska fogaynayaa. Dhibka inta badan na haysta kan ayaa ka mid ah hayeeshee in yar ayaa ku baraarugsan.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments