Dalkaygow ha iga murugoon, hana iga calool xumaan, waan arkaa maalin walba cadowga inuu dhaawac kuu gaysanayo damaciisana yahay inuu ku burburiyo hayeeshee middaasi ma gaari doono maadaama aad haysatid dad dartaada u dhimanaya kuna difaacaya, waan ku jeclahay tan iyo markii aan ka soo baxay uurka hooyaday ifkanna imid, aniga oo anfacaaga baran ayaa neecawdaada udugga leh igu anqarisay, hooyaday iyo aabahay iiga kaa baray oo iiga kaa sheekeeyey intii aan yaraa jacaylkaaga ayaan ku soo koray, layguna soo tarbiyeeyey aqoontaada ayaan qaatay, cuntadaada ayaan cunay, aabahay ayaa I dhahay waa dhici kartaa qofka aabe la’aan inuu dhasho hayeeshee ma jiro qof hooyo la’aan dhasho, hooyadadaada dhabta ahna waa dhulkaaga, waxaan kuu hayaa jacayl aan xisaab lahaynin, wacadna waxaan ku maray in aan kuu adeego, aayahaha ka taliyo, cadow kaa ilaasho, dhagarqabe kaa difaaco, khaa’inkana kaa qabto,dhismahaaga ku fekero, iyo quruxdaada dhowro inta aan awoodo, cidda kaa soo horjeedda ee carruurtaada ah oo siisay hoy, cunto, shaqo, jinsiyad iyo waxwalba uu kaaga baahday haddii uu kaa abaal dhacayo ha u murugoon, waayo waa abaal laawe addoonsade la jira,iyo jaahil la isticmaalayo marka danta laga lahaa laga gaarana meel u cararo intuu waayo ayuu kuu soo cararayaa, haddana wanaaggaada oo aad u badan waad soo dhoweysaa, isaga oo markii horeba ogaa inuu anfacaaga cunay, biyahaaga ku oon baxay iyo weliba abaal inaad ku leedahay
Midka xumaantaada ku deg degaya oo ku dadaalaya miyuusan ogayn inaad tahay dhaxal awoowe oo isagana adiga leedahay, Alle ka sokow, dalkaygow waxaad ku uursamaanayso anaga waan og nahay midka kugu caasiyeyna waa og yahay, ee ha eegin midka caasiga kugu noqday ee eeg kuwa samaantaada jecel dhiiggoodana maalin walba kuu daadinaya dhaawacoodana meel walba yaal, mid hadduu kaa dhintana mid kale ayaa kuu dhalanaya, dhagarqabahana dhagartiisa isaga ayey ku laabanaysaa, difaacaagana sidaa ayuu ku soconayaa ee ha u calool xumaan haddii uu mid xumaaday waayo malaayiin ayaa ku jecel, hana u murugoon laba ku khiyaantay, waayo kumanaan ayaa kuu heelan oo daacad kuu ah, waxaadna ogaataa midka kaa dhinta ama lagaa dilo in ajshiisa dhammaatay mid kalana booskiisa buuxinaya, waxna kaama qaadi karo jaahil, aqoonyari, dhagarqabe, khaa’in, caasi iyo wixii la mid ah waayo waxaad leedahay aqoonyahano dhisan, malaayiin kuu daacad ah, iyo in badan oo kuu adeegta sidaana ku uursamow. Haddii aan kaa maqanahayna qalbigayga ayaa kula jooga, hayeeshee malaayiin ayaa kula joogta waa kaa maqanahay, laakiin qalbigayga ayaa kula jooga.
Waan ogahay in badan in ay kaa mashquuleen oo xooggooda isugu geeyey qabiil oo ay kaa jeclaysteen qabiilkooda halkii ay ku jeclaan lahaayeen, waxyna ilaaween in aad siisay dhulka ay ku nool yihiin iyo meelaha ay deggen yihiin, haddii adiga aadan ahaan lahaynna ay meelaha qaxooti ku noqon lahaayeen, jacaylkaaga iyo dhulkaaga ayey si khaldan u adeegsadeen ee ha u carroon kuwaasi waayo maalin uun bay ogaan doonaan qiimahaaga iyo jacaylkaaga. Kuwa kale ayaa waxa ay kaa doorbideen lacag oo maalin walba kugu soo hoggaaminaya cadow, kuwaasi waxba ha u qaadin waayo berri marka la soo isticmaalo oo laga gaaro danta laga lahaa ayey kuu soo cararayaan oo laabtaada ku oynayaan iyaga oo qoomamaynaya wixii ay kugu sameeyeen oo xumaan ahaa. Qaar kale ayaa awooddii aad siisay ku gumaadaya carruurtaada si xoog u yeeshaan, u faqiirinaya si ay u noqdaan hantiilayaal, amni darro dadkaaga ku beeraya si ay iyaga amni u helaan ee ha u murugoon maalin uun bay xaqa ogaanayaan. Qaar kale ayaa fursadda u saamaxday in kaa tagaan oo dal shisheeye u hayaameen si ay u helaan nolol amni, deggenaansho iyo shaqaba leh qaar ayaa ku og oo marwalba niyadda iyo qalbiga kugu haya, qaarna way ku ilaaween oo waxa ay ku mashquuleen carruurtooda iyo shaqooyinkooda xaqaagiina warmoog ayey ka noqdeen, halka qaar kalana ay u dhexeeyaan jiif iyo maandooriye iyaga oo dan heela ka lahaynin in aad dhisantid ama inaad inaad burburtid, una beensheegaya daaraha iyo waddoonyinka quruxda badan oo dadkooda dhisteen adigana uu kaa seexday ha u uurxumaan kuwaasi oo ku ilow warmooggooda kumanaanka kale ee niyadda iyo qalbiga kugu haya. Qaar kale ayaa dadkaaga dulminaya si ay xuquuqdooda u duudsiiya kuwaana u dul qaado maalin uun bay xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka ogaan doonaan ama laga xisaabin doona.
Adduunyadan inta aan joogno waxaan ballan ku galaynaa in aan ku oggolaano goorwalba, waajibaadkaaga oofino xaqaagan gudano anaga oo aan cidna ka sugaynin oggolaansho ama dhaqaaq waayo dalkayga ayaa tahay aan jeclahay waayo sharaf ayaad ii yeeshey waxwalbana waan kaa helay. Midka ku dhibaya noloshiisa oo idil waxa uu ku amba qaadaa aqoontaada isaga oo og, iyo inaad tahay dhaxal awoowe, waxaadse ku uursamaata dalkaygow inuusan irbad kaa ridi karin aqoonyari.
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments