Qof walba oo anaga naga mid waxa uu dhahaa waxaan ahay muslim, Islaam cishqi la’aan waa adag yahay, waa qaawan yahay, dhadhan malaha, xasilooni malaha, deggenaan malaha, insaaniyad ma yeelanayso, dadnimada way kugu yaraanaysaa, kartidaada hoos ayey u dhacaysaa, doodaaada ayaa badanaysa, adigana waad isku adkaynaysaa dadkana waad ku adkaynaysaa, haeerahaaga waa laga kala cararayaa, Islaamku waxa uu bilmaa marka aad cishqi ku dheehdo, Islaamka cishaqi la’aanta qofkiisa waxa uu dareemayaacadaab, caddibnaan, ciriiri, raaxa dhan ma helayo, dadkana waad ka cararaysaa, mana isku dayaysid inaad soo jiidato.
Qofna ku dhihi maayo qofkaan maxaa ka wanaagsan, muslimka ka hor inta uusan gaarin cishqiga muslim kaamil maaha, waa muslim naaqis ah, marka uu gaaro cishqiga, Alle waa jeclaanayaa, isagana Alle ayuu jeclaanayaa, qofka muslimka ah ee Alle ku xiran sacaada ayuu ku nool yahay, waascanaan ayuu ku nool yahay, naxariis ayuu ku nool yahay, isaga waa loo naxariisanayaa, isagana dadka ayuu u naxariisanayaa, waa dulqaad badan yahay, waa dadnima badan yahay, waa wanaag badan yahay, xasilooni gudaha iyo dibadda ayuu dareemaa, deggnaan dhan walba ayuu helayaa, raaxa aan xisaab lahaynin ayuu helayaa, waxa uu ku noolanayaa welwel la’aan, walbahaar la’aan, wareer la’aan, walaahow la’aan, wajac la’aan, wareento la’aan, wahsi la’aan, waswaas la’aan, iyo waali la’aan.
Qofka muslimka ah ee Alle goor walba ku xiran ma joojiyo camalka wanaagsan, wanaajinta dadka, ixsaanka abuurka Alle oo dhan, u raxmashada carruurta, ixtiraamka waayeelka, qaddarinta iyo karaameynta haweenka, waxwalba iyo qofwalbana xaqiisa ayuu siiyaa, noloshiisa oo dhan waxa uu ku salleeya nolosha aakhiro, qofna ma dulmiyo, qofna ma dhibo, qofna ma aflagaaddeeyo, afkiisa iyo addinkiisa waa laga nabad galaa, gacantiisa waa laga nabadgalaa, qofna ma xanto, qofna ma jaasuuso, cidna iskuma diro, namiimada waa ka fogaadaa, qofna kuma xadgudbo, ammaan iyo nabadgalyo ayaa laga helaa, wuu ilaawaa inuu wanaag sameeyey hayeeshee xumaan marka uu sameeyo ma ilaawo, waa ka qoomameeyaa, toobada ayuu la deg degaa, dembidhaaf ayuu weydiistaa, waa ilmeeyaa xumaanta iyo dembiga uu galay dartiisa, qofka uu xumeeyay ayuu cafis weydiistaa.
Qofka muslimka ah uma qaato khayaarkiisa in Islaamka maskax furnaantiisa uu ku helay, balse qofka Allihiisa ka fog waxa uu ka faanaa camalka uu sameeyay isaga oo adeegsanaya magaca diinta, haddii uu wanaag sameeyana waxa uu u qaadanayaa arrin shakhsi ah, xumaantana qof aan isaga ahayn ayuu dusha u saarinayaa goorwalba, markaasi ayuu isku xiraya xumaanta, samanka iyo duruufta, khaladkiisana marna ma ictiraafayo, qofka muslimka ah ee gaabiya muhiimad ma siiyo qof aan muslim ahaynin, si aad u gaartid Marxaladaha Cishqiga Alle waxaad u baahan tahay in aad ku wareegto meelaha uu ka da’ayo roomka Cishqiga Alle, qalbigaaga u waasici waxyaabaha Alle abuuray sida samooyinka, dhulka, eeg qorraxda marka ay dhacayso, marka ay soo baxayso, daawo daruuraha sida ay u socdaan, ubaxyada sida ay u dilaacaan, qofka raba inuu gaaro cishqiga xaqiiqiga ah waa inuu ka baxaa difaaca, difaaca waxaan ula jeedaa jacaylka adduunyada, balse haddii aad awood u yeelatid inaad ka fogaatid sheyga aad jeceshahay waxaa kuu soo dhowaanaya sheyga aad u baahan tahay….
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments