Nin ayaa waxa uu u cawday nin ka mid ah sheekhyada, waxa uuna yiri : Sheekhoow maxaan ula kulmaa qofka aan wanaajiyo dhagar iyi khiyaano ? Sheekhii kama jawaabin. Haddana waxa uu weydiiyey maxaan qalbi qaleyl ugula kulmaa qofka aan jeclaado daacadna u noqdo ? Sheekhii kama jawaabin. Haddana waxa uu weydiiyey, maxay u geeriyoodeen dhammaan dadkii aan jeclaa oo cidana ka harin aan ka ahaynin cadowgayga ? Sheekhii kama jawaabin. Haddana weydiiyihii waxa uu bilaabay inuu ooyo isaga oo haddana weydiinaya, maxay tahay sababta aan u dareemo noloshan keli ahaansho iyo qurba joognimo ? Sheekhii kama uusan jawaabin. Haddana waxa uu weydiiyey maxay dadku malahooda dhankayga ah u xumeeyaan ? Sheekhii hadal malaha. Haddana waxa uu weydiiyey maxay dadku been iigu sheegayaan marka aan runta u sheego oo iigu adkeeyaan kuwa aan nuglaado oo ay iga tagaan kuwa aan laabta ku qabto ? Sheekhii hadal malaha afkiisa baa juuqda gabay. Haddana waxa uu weydiiyey maxay gacantaydu ugu fidsan tahay kheyrka gacanta dadkana ay ugu fidsan tahay shartayda, oo dadka aan jeclahay ay ku qaabilaan xumaan oo aysan ku qaabilaynin kalgacayl ? Oohin ayuu qabsaday, ka dib sheekhii ayaa istaagay gacantiisa ayaa waxa uu dul dhigay qalbiga ninkii cabanayey waxa uuna yiri : Walaalaalow ma garanayo aniga sababta uu Alle kuu jecel yahay jacaylka intaan le eg, lagana yaabee inaad tahay kuwa Alle uu ku tilmaamay (Kuwaasi waa samafalayaasha.
( أولئك هم المحسنون
kuwa heerkooda samir iyo samo sarreeyo, waalaalkayow waxaad ogaataa inaad iigu imaadday inaad iiga cabato jeceylka Rabbigaaga uu kuu hayo, weydiiyihii ayaa aamusay, dhulka ayuuna eegay indhihiisa oo ilmeynaya farxad darteed, dabadeed Sheekhii ayuu waxa uu ku yiri “waad asiibtay oo qalbiga ayaad ii qaboojisay, waad asiibtay wadda ayaad ii dhistay. Haddaba cibrada waxa ay tahay. Daruura maaha in dhib ay kuu gaysanayaan dadka ay tahay imtixaan ee waxaa dhici karta adiga inaad tahay samafale adiga oo haddana ogaynin, mana jiro qof gaara heerka ugu sarreeya ee samafal aan ka ahaynin kuwa leh qalbiyada nadiifka ah ee dhowrsoon
0 Comments