Iimaanka booskiisa waa qalbiga, Islaamka booskiisana waa xubnaha, qofka mu’minka ah waa waadax, midka gaalka ahna waa waadax oo been kuuma sheegayo waxa uu ku dhahayaa aniga ma aaminsani waxa aad aad aaminsan tahay, hayeeshee midka cabsida leh waa munaafaqa, waxa uu dhahayaa waxa aad dhahayso, waxa uuna samaynayaa caksiga waxaad dhahayso carrabka adiga ayuu kula jiraa qaalbigana gaalada ayuu kala jiraa, hadal aad u wanaagsan ayuu ku hadlayaa waxa uu samaynayaa ficil ka daran midka uu sameeyo sheydaanka, mushkiladda muslimiinta haysata waa munaafiqiin anaga Islaamka uga baqi mayno cadowgiisa ee waxaan uga baqaynaa kuwa afka ka sheeganaya, uga baqi mayno dhanka kale ee waxaan uga baqnaynaa kuwa ku soo labistay diinta iyaga oo ku fushanaya hadafya adduun oo shakhsi ah, sidaa darteed ayaa Imaamu Shaafici u yiri in ka aan ka ganacsado raqsi (hees iyo cayaar) ayaa iiga fadli badan halkii aan ka ganacsan lahaa diinta ama in quudka ka raadsado raqsi ayaa iiga fadli badan in aan quud ku raadsado diinta, kuwa noocaasi ah waxa ay Quraanka u fasirtaan sida iyaga ugu adeegaysa masaalixdooda iyo sida ay rabaan, aayadaha qaarkood ayaa kala jarjaraan, aayadda inta hore ayey ka qaadanayaan inta dambe oo dhamaystiri lahaydna waa ay ka tagayaan ama sidaa caksigeeda, hadalka haddii la leexin karo ama la beddeli karo ayey ka soo qaadanayaan, meelaha aan la leexin karinna oo daliishiisu waadax tahay ma adeegsanayaan oo waxa ay diidayaan in ay gudbiyaan oo dadka gaarsiiyaan, balse hadalka yeelan kara fasiraad ama been abuurasho way qaadanayaan oo maslaxadooda ayey u adeegsanayaan iyo danahooda khaaska ah.
Si aan u sii waadixiyo oo si hoose loogu fahmo haddii uu qof Musxafka uu soo qabsado oo dadka hortooda ku dhunkado lix jeer oo axkaamtiisana ku dhaqmin dunkasho waxba ma soo siyaadinayso, mid ayaa hadalkaan gudbinaya oo waxa uu dhahayaa hebel waxa uu xarimay in musxafka la dhunkado dabadeed la buunbuuniyo, midkii hore ma xarimin dhunkashada musxafka ee xaqiiqada ayuu tilmaamay kaliya, Quraanka maanta oo dhan haddii aad dhunkatid ficilada aad samaynaysana ay guracan yihiin muxuu anfacayaa, haddii dhigtid goobtaada ganacsiga oo neef kasta aad qaadanayso been sheegto, muxuu soo kordhinayaa musxaf aad dhigatay gaarigaada hortiisa misana aad dhibaatooyin u gaysanaysid dadka, taasina waxaa ka sii daran in aan hore ka aamin qof soo xirtay dhar Islaami ah, dhowr aayadoodna soo xafiday oo ay dhici karto in aan la kala saari karin inuu muslim yahay iyo in kale, kaliya aan ku aamino dhowrkan aayadood ama dhowrka xaddiis uu soo xafiday misana ficilada uu samaynayo aan aqbalaynin caqliga insaanka, immisa kun oo dad aan muslim ahaynin ayaa Quraanka u xafida danahooda gaarka ah iyo xaddiisyadaba, muslimiintu inta badan waa dad daacad ah oo calool fayoobanta ka badatay, middana waa wax fiican laakiin haddii haddii inta badan caadhifad wax ku xukuntid oo aadan caqliga adeegsan waa lagu isticmaalayaa, muqaal haku raacin ee ficilkiisa eeg
Qore : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments