1. Marka aad maqashid cod ka dhex dhawaaqaya gudahaaga oo dhahaya kani waa xalaal ama kani waa xaraam Alle ugu mahdi qalbigaaga oo nool dartiisa.
2. Wiil yar ayaa hooyadiisa weydiiyey : Hooyooy maxay samadu saafi u tahay goor walba ? Hooyadii ayaa ku jawaabtay sababta oo ah wax bashar ah kuma noola. Haddana waxa uu weydiiyey hooyooy maxaad goor walba ii dhunkataa ? Waxay ku jawaabtay sababta oo ah Rabbi ayaa qalbigay ku beeray naxariis iyo raxmaad haddii loo qeybiyo dadka dunida oo dhan kaafiye lahayd….
3. Qofka noloshaada uga baxa si iskiisa ah oo doorashadiisa ah, haddaba ma tihid qof rakhiis ah oo wakhtigiisa ku dhamaysta murugo, waayo adiga waad ka sharaf badan tahay in aad qof caadhifad darteed addoon ugu noqoto. Waxaa loo murgooda qof istaahila, qof ku qiimeeyana kuuma sababayo murugo.
4. Sacaadada waxaa ka mid ah inaad leedahahay qof kaala baqa baqa xanuun oo dhan, ihtimaam badan ku siiyo oo hoos u dhiga yareeyana xajmiga mushaakilkaaga, kuuna sheega in waxwalba oo dunidan ah uusan u dhigmin una qalmin murugadaada.
5. Shaaha qaraar micnahiisu maaha inaysan sonkor jirin markiiba aad sonkorta ku dhaqaajiso shaaha ayaa waxaa soo muuqanaysa macaanka sonkorta, sidaasi si la mid ah naf waliba oo bani aadan waxaa laga helayaa kheyr ee kaliya waxay u baahan tahay cid dhaqaajisa.
6. Ruuxdeena waxaa la abuuray wakhti xaddidan marka ay wakhtigaasi dhamaysatana way tagaysaa ee dhoolacaddeeya oo ilaawa xanuunada nolosha, waayo tani waa adduunyo ee maaha janno, cimriga waa xaddidan yahay, risqiga waa qoran yahay, wax kuu qoranna cid kaa qaadan karta ma jirto oo la imow yaqiin iyo kalsooni.
7. Ka digtoonow inaad been u sheegto haweenay, waayo waxa ay leeyihiin awood aan caadi ahaynin oo ku kashifaan xaqiiqada iyo qudra ka sii weyn oo kuugu muujiyaan in aysan ogaanin xaqiiqda, waxayna leeyihiin dareen lixaad oo ay ku dareemaan carruurtooda iyo saygooda, dareenkan lixaad ayaa waxa uu khaas ku yahay kaliya in ay ku dareento sayga iyo carruurteeda. Haweenayda daciifta ah way aargoosataa, midda quwadda lehna way saamaxdaa midda farriidka ahna way is dhaafisaa.
8. Haddii aad aragto qof si weyn xasaasiyad badan u noqda oo kelmad kasta oo la dhaho dhaawacaysa, waxaad ogaataa in qofkaasi ay nolosha siisay xanuun daran oo ka weyn awooddiisa, ee qalbigiisa haloo dhimriyo qofka noocaasi ah.
9. Saman ayaa jiray dadkeena qahar iyo quursi ku badnaa
Saman ayaa jiray dadkeena qaxa iyo qalalaasaha ku badnaa, Saman ayaa jira qaraxa iyo qabyaaladda ku badan tahay, saman ayaa imaanaya qoys iyo qaran la wada yahay…
10. Ammaan qofka inta uu nool yahay, haddii uu dhinto ammaan waxba u tari mayso ee waa iska beer laxawsi, garo qofka qiimihiisa inta uu ku ag joogo, garashada qofka marka uu kaa fogaado waxba kuuma soo kor dhinayso aan ka ahayn qoomamo. Ku mahdi nicmada aad hadda haysato oo ogow qiimaheeda, ka sheekeynta marka ay ku dhaafto ka dib waxba ma soo siyaadinayso aan ka ahaynin xumbo cuskasho...
Waxaa Qoray : Maxamed Cali Juxaa
0 Comments