LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

9 Talo iyo Murti oo Si Weyn Wax Uga Beddelaya Noloshaada (Qeybta 1aad)

 


1. Waxaa jirta laba shey oo asaasi ah,muhiimna ah oo aan ka helayno caqli iyo xikmad, buugga aan akhrino iyo dadka aan la kulano. Marka aad in badan akhrisid in badan ayaa garataa, marka aad qaabisho dadyow kala duwan waxaad ka helaysaa waaya aragnimada nolosha.

 2. Dadka qaar marka ugu horreysa ee aad la kulantid ayey boos ka qabsanayaan qalbigaaga, dadka qaarna hadalkooda ugu horreeya ayaad aragtid ka qaadanaysaa oo caqligaaga boos ka qaadanayaan, miisaan hadalkaaga si aad boos ugu qaadato caqliya badan, habdhaqankaagana wanaaji si qalbiya badan boos ugaqaadato.

 3. Hooyadaa ha u sheegin waxa ku murjinaya waayo waxa ay murugoonaysaa labalaab inta aad murugoonayso adiga, murugana waxaa ugu filan intii aad yareyd wixii ay kula soo martay, sacaada sameeye u noqo hooyadda si sacaada u dareento labalaab inta aad dareento..

 4. Sheyga ugu weyn ee raaxa siin kara damiirkaaga ayaa waxa uu yahay in Alle goorwalba uu og yahay niyaddaada, umana baahnid insaan caqligiisa yar yahay inaad u sharraxdid ficiladaada. Qancinta dadka waa yool aan la gaari karin, ee ka tag yoolka aan la gaari karin oo ku dadaal yoolka la gaari karo oo ah Raali Gelinta Rabbigaaga..

 5. Qofka gala waxaan micne ugu fadhiyin waxa uu la kulmaa wax uusan raali ka ahaynin, qofka albaab garaacana jawaab ayuu la kulmaa, ficil kasta oo kaa soo baxa waxa uu leeyahay ficil celin dadka ka keenayaan, ha kula cataawin dadka ficil celntooda ka hor inta aadan kula cataabin naftaada ficiladaada..

 6. Markii uu naarta tagay ayaa waxa uu yiri : meeyeen asxaabtayda, markaasi ayaa loogu jawaabay dhammaantooda way toobad keeneen ka dib markii aad adiga geeriyootay, middaa inta aysan dhicin towbadu way furan tahay, tubta toosan tiigso tagtadaada iyo timaaddadaadana turunturada  ka tuur oo toosi tubtaada tol kaa horreeya ma jiree.

 7. Mawalba aad isku halayso cid aan Alle ahaynin Alle waxa uu ku dhadhansiinayaa qaraarka isku hallaynta cid aan Isaga ahaynin oo qalbigaagana ku xirto cid aan Isaga ahaynin, waxaadse ogaataa Alle inuu ka hinaasayo qalbi lagu xiray cid aan Isaga ahaynin, jidka ayuu kaa soo xiraa si aad Isaga ugu soo laabato, hayeeshee halyeynimada ayaa waxay tahay inta aan waddada lagaa soo xirin qalbiga Ehelkiisa ku xir.

 8. Carruurtiina bara salaadda, waayo salaadda ayaa waxwalba baraysa, salaadda gudaheeda ayaa waxaa ah sirrooyinka najaaxa, waxayna fure u tahay xalka mashaakil kasta, waxayna quud u tahay ruuxa, waana cibaadada ugu faa’iidada badan caafimaad ahaan, caqli ahaan, iyo ijtimaaci ahaan..

 9. Marka aad dhamayso salaadda ha deg degin waayo, malaa’igta ayaa kuu ducaynaysa Rabbigaaga agtiiisa ee furasaddan ha is dhaafin, waayo deg degga waxa ay shaqadiisu tahay sheydaanka ee ka adkow cadowgaasi daciifka ah.


Waxaa Qoray : Maxamed Cali Juxaa

Post a Comment

0 Comments