LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

6 Nooc Uu Dumarka Ka Mid Ah Ay Tahay Inaad Ka Fogaato.

 


 Halkan waxaan kuula wadaagaynaa inaad ka fogaato lixdan nooc oo dumarka ah haddiiba aad doonayso in aad nolosha kula shirkowdo. Waxaana ka mid ah :

1. Haweenay weli qalbiga ku haysa saygeedii ama ex-keedii  hore : aad ayey u khatar badan tahay ama u dhib badan tahay inaad haasaawe ama xiriir la bilowdo haweenay weli la dhibtoonaysa ama la murugoonaysa saygeedoo ama ex-keedii hore, middan ayaa waxay kuu keenaysaa niyad jabka ugu darnaa noloshaada. Weli waxay la murugaysan tahay, middaana waxaad ku ogaan kartaa iyada oo marwalba ka sheekenaysa saygeedii ama ex-keedii hore, adigana kaliya waxaad noqonaysaa qof looga gudbo dhiilada jirta. Haddaba haddii haweenaydan weli ka bogsoon wixii soo maray oo kala tag ah waa inaad ka fogaataa, waayo xiriikiinu ma raagayo, haddii ay fiicnaatna ama ay la heshiiso ex-keedii hore, adiga ayaa lagu garaacayaa.

2. Qof kaasii fogaanaya : haweenayda ama ninka haddii uu ku dhigo xuduud saaxiibtimo oo xaddidan (friend zone) ma jirayo wax aad isla fahmaysaan, xiriirkana waxa uu ahaanayaa mid xudduud leh oo aan ka bixin xeyndaabkii loo sameeyey, halkaasina kaliya waxaad kala kulmaysaa wakhtiga oo kaa luma. Haddii haweenayda aan doonin inay ka hadasho mustaqbalka ama goor walba ay kuu sheegayso inaad tihiin saaxiibo, waxaad ahaanaysiin kaliya saaxiibo, waayo waxay kuu sameysatay xudduud (friend zone) oo aysan marnaba dhaafin, waxayna goorwalba kuula dhaqmaysaa sidii idinka oo dad walaala ah.

3. Haweenay kaliya danaysa waxaad haysato : Haweenayda ma waxay danaynaysaa adiga, mise waxay danaynaysaa waxaad haysato, arrinta inta aysan kula fogaan, qof waliba waxaa laga doonayaa inuu marka hore ogaado waxa ay haweenaydan danaynayso. Haddiiba aad ogaatid in ay danaynayso lacagtaada, shaqadaada iyo gaarigaaga, markaasi waxaad ogaataa in aad xiriirkaaga oo qaldan yahay, waxa ugu wanaagsan aad qaban karto ayaa waxa uu yahay inaad joojiso xiriirkaasi, inta ay goori goor tahay.

4. Haweenay aan aan marnaba la helaynin : Haddii aysan marnaba kuu sameyn wakhti aad is aragtaan ama aad kulantaan dan kama laha xiriirkaaga, qofna kama mashquulo waxyaabaha uu danaynayo iyo dadka uu danaynayo, qofka waxa uu danaynayo wakhti ayuu siiyaa, wax walba walba ayuu ku bixiyaa.waxay abuuraysaa cudurdaaro joogta ah, maxay ku marmarsiyoonaysaa in ay shaqo ku mashquushay, haddaba khatar ayey kugu tahay inaad ka ag dhowaatid qofkan noocan oo kale ah oo marwalba mashquul kaa ah wakhtina kuu haynin, qofkaasi weligii is beddeli maayo ee adiga is beddel.

5. Haweenayda sii wada oohinta ka dib markii ay weysay qofkii ay jecleyd : Marka aad la tacaamulaysid haweenayda noocan oo kale, waa inaad sugtaa ilaa xaaladdeeda ay ka soo hagaagayso ka hor xiriirkiina inta uusan sii qoto dheeraan, haweenayda marka ay murugaysan tahay, laga yaabe in ay raadinayso qof ay ku nafisto oo xaaladdeeda dejin kara, taasina maaha in ay jeceshahay, kaliya waxay rabtaa in ay hesho qof ay xaaladdan ay uga gudubto si ay usoo kabsato. Sida muuqata haweenaydan kuma jecla, kaliya waxay rabtaa in ay hesho qof ka bogsiiya dhibka soo waajahay, haddii ay xaaladdaasi ka gudubtana oo niyadda iyo qalbigana u xasilo, kuma taqaano ee kaliya waxaa lagaa gaaray dantii lagaa lahaa.

6. Haweenayda aan nafteeda ku kalsoonaynama aan isku qanacsanayn  : Aad ayey kuugu adkaan doontaa inaad naftaada u doorto haweenay aan nafteeda ku kalsoonayn, waayo waxay rabtaa in ay gacanta kugu dhigto nafisna kuu diido, wakhti walba waxay jeceshahay in ay ku ilaaliso oo la socoto waxwalba aad qabanayso. In nolosha lala wadaago ama xiriir lala sameeyo haweenay walwal badan waa halis, waxaa dhibaato ka haysataa in ay dadka ku kalsoonaato, haddii qofka uusan ku kalsoonaan karin dadka, xiriirka cumrigiisana waa soo gaabanayaa.

 Waxaa Qoray : Maxamed Cali Juxaa

 

Post a Comment

0 Comments