LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 Qaaciddo Oo Laga Doonayo Ninka Inuu Raaco Marka Uu La Haasaawaayo Haweenay Shaqsiyaddeeda Xooggan Tahay.

 



1. Waa inaad u muujisaa taageero.

Waxaa muhiim ah in aad u muujiso in iyada darteed u qabanayso waxaad qabanayso, ha cadaadin, ha niyad jebin baalshana haka rifin, una oggolow in ay sida ay doonto u duusho, u oggolow in ay noqoto nooca dumarnnimo ay doonayso in ay noqoto.

2. Waxaad u baahan tahay in aad naftaada xusuusiso in aad tahay qod shaqsiyad ahaan xooggan, haweenayda ma doonayso in ay la joogto nin aan shaqsiyad ahaan xoogganayn ama uusan ogayn in shaqsiyad ahaan xooggan yahay, waa inaad u muujisaa oo tustaa in aad tahay qof dareenkeeda ama digtoonideeda soo jiita.

3. Waa inaad inaad ka shaqeysaa sidii aad ku xaqiijin lahay hadafyadaada iyo riyooyinkaaga. Waa inaad noqotaa qof isku filan oo hore usii wada ama diiradda uu saaro hadafyadiisa iyo riyooyinkiisa, adiga oo howshaasi wada ayaa haddana waxaa lagaaga baahan yahay inaad naftaada daryeesho. Haddii aad culays siyaada ah aad ku noqoto haweenayda kuuma baahna, mana doonayso in ay ku caawiso.

4. waa inaad dareentaa wanaaggaaga qofka aad tahay. Waa inaad in badan hubsataa oo hubisaa qof ahaan naftaada, micnaha ahaataa qof nafsaddiisa si weyn ugu kalsoon. Looma baahan mana muujin kartid halkan deggenaansho la’aan iyo cabsi ah in lagaa gacan sarreeyo. Waxaa lagaa doonayaa kaliya inaad aamintid inaad iyada ku filan tahay.  

5. waxaa lagaaga baahan yahay in aad kula dhaqanto ixtiraam iyo si sharaf leh, sidoo kale waxaa lagaaga baahan in aad u muujiso daryeel iyo ka warqab, haddii kale waa ay kaa dhaqaaqaysaa, umana dulqaadan karto qof dabeecad xun, gaar ahaan qofka ay la haasaaweyso.

6. marwalba runta u sheeg . Haweenayda ma jecla qof aan daacad ahayn ama qof qiyaano badan, ma jecla qof aan dhab ahayn, goor walba runta u sheeg, run ka sheeg waxa madaxaaga iyo maankaaga ku wareegaya, haweenayda aad ayey u neceb tahay, qiyaanadana ma jecla haddii ay kugu aragtana dib dambe kuuma rumaysanayso, mana kugu kalsoonayso.

7. Waa in aad daryeeshaa, sax… waa haweenay shaqsiyad ahaan awood leh, isku filan, nafteeda ku tiirsan oo nafteedana daryeeli karta, adiga oo intaasi og haddana maaha in aad ka dhaqaaqdo oo aad is tiraahdo waa haweenay isku filan. Weli waxaa jira waxyaaba lagaa doonayo in aad hubiso in ay tahay qof xaalad wanaagsan ku jirta.

8. Waa inaad si saameyn leh ula xiriirtaa. Ma noqon kartid qof aan dhahaynin waxay ula jeedaan marka ay joogaan, waxay moodaysaa inaad weli baaqi ku tahay isla meeshii aad iyada la joogtay, sidaana ma sameyn kartid haddii aadan iyada ula hadlin si wanaagsan.

9. Waa inaad kula dhaqantaa sida adiga aad u wanaagsan tahay si la mid ah. Ulama dhaqmi kartid sidii iyada oo kaa muhiimad hooseyso, waayo middaasi ma xamili karto, mana aha inaad iyada dhigto booskaaga meel ka hooseysa, waayo middaasi waxay u keenaysaa cadaadis badan. Ee ka feker in ay tahay sidaada oo kale dabadeedna si wada jir ah ayaad caalamka u waajihi kartaan.

10. Waa inaad joogteysaa kaftankaaga. Inkasta ay haweenayda tahay mid shaqsiyad ahaan xooggan, haddana waxaa jirta fursad wanaagsan oo ay si weyn isugu dayeyso in ay nafteeda tusto caalamka iyo dadka ku hareeraysan, middan darteed waa inaad awood u yeelan kartaa in aad ka qoslin karto oo aad u keeni karto nolosheeda farxad badan.

Waxaa Qoray : Maxamed Cali Juxaa

 

Post a Comment

0 Comments